Wararka Soomaalida

Ciidan ku dhow 1000 askri oo dib ugu soo laabtay Muqdisho

Published

on

Ciidamadan oo tiradooda gaaraysa 500 oo askari ayaa waxaa laga keenay dalka Turkiga ka dib markii ay soo dhamaysteen tababar Ciidan oo muddo dalkaas ugu maqnaayeen iyagoo la soo baray xeelad walba oo ku saabsan dagaalka.

Ciidamadan oo ka mid ah Guutada 13-aad,Ururka Gorgor ee Ciidanka xoogha dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Sareeye Guuto Maxamed Cali Bariise.

Wasiirka iyo Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka ayaa Ciidamadan u sheegay in khibradooda Ciidan ee la soo baray looga baahan yahay in dalaka iyo dadkaba ugu faa,iideeyaan si nabad iyo horumar waara loo gaaro.

Qaar ka mid ah Saraakiisha dalka Turkiga oo la socday Ciidamadan kana mid ah Saraakiisha Ciidamadan tababarka soo siiyay ayaa dhankooda sheegay in Ciidamadan gaaraya 500 ee askari ay soo bareen wax allaale wixii tababar iyo khibrad Ciidan ee ay hayeen ayna ka filayaan in dalka ugu faa,iidayn doonaan. lagana faa,idi doono aqoontooda Ciidan ee ay hayaan.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu kaalin weyn ka ciyaarayaa Tababarada Ciidamada Xoogga dalka iyagoo Muqdisho ku leh Xero ay ku tababaraan Ciidamada sidoo kalana dalkooda ku soo tababara.

Trending

Exit mobile version