Wararka Soomaalida
Ciidanka Booliska Soomaaliya oo Howlgal dhinacyo badan leh ka fuliyey Muqdisho
Howlgal Ciidanka Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho Xalay iyo caawa iyo dhowrkii Cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa laga sameeyey Degmooyinka kala ah Wardhiigleey,dharkenley,Xamarweyne Xamarjajab iyo Waaberi waxaana lagu soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo looga shakiyey Kooxda Al shabaab sida Taliska Booliska uu saxaafadda usheegeen. Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya […]
Howlgal Ciidanka Booliska Soomaaliya ay ka fuliyeen Magaalada Muqdisho Xalay iyo caawa iyo dhowrkii Cisho ee la soo dhaafay ayaa waxaa laga sameeyey Degmooyinka kala ah Wardhiigleey,dharkenley,Xamarweyne Xamarjajab iyo Waaberi waxaana lagu soo qabqabtay tiro dhalinyaro ah oo looga shakiyey Kooxda Al shabaab sida Taliska Booliska uu saxaafadda usheegeen.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed ahna afhayeenka Booliska oo la hadashay Saxaafadda ayaa sheegtay in howlgalkaas lagu soo qabtay 20 dhalinyaro Al shabasb ah ka dib howlgal qorshaysan oo ka dhacay Degmooyinkaas Shanta ah.
Afhayeenka ahna Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay in dhalinyaradaas uu ku jiro ninkii Miinada ku xiray Gaarigii xalay fiidkii ku qarxay guri ku yaala xaafada Shaneemo Muqdisho ee Degmada Wadajir gaarigaas oo yaalay guri hortiisa islamarkaana uu lahaa qof shacab ah maalmaha nagu soo aadana Maxkamad la soo taagao dhamaan dhalinyaradii howlgalka lagu soo qabtay ee gaaraya 20 qof.
Sareeya Guuto Sakiye Xuseen Axmed Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa intaas warkeeda raacisay inay hubaan dhalinyaradaan 20 gaaraya ee howlgalka lagu soo qabtay inay ka tirsan yihiin Kooxda Al shabaab.
Dhinaca kale Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa sheegtay isla howlgalkaas ka dhacay Muqdisho in Ciidamada ay ku soo qabteen dhowr nin oo ka ganacsada Maandooriyaha Xashiishka iyo Biyaha Calaqa iyadoo intaas warkeeda ku dartay in Maandooriyahaas Xashiishka iyo Calaqa ah ay yihiin kuwa ugu xun ee lagu iibiyo Suuqyada Muqdisho.
Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgalkii ay ka fuliyeen Xamarweyne ku soo qabtay Maandoorihaas Xashiishka iyo Calaqa xili maalin cad ah Soona tahay iyadoo la soo taagi doono Maxkamad si loogu ciqaabo Sharciga maadaama ay yihiin dad bulshada ka iibinaya wax aan uwanaagsanayn Caafimaadkooda.