Wararka Soomaalida
Ciidanka Danab oo kooxda Shabaab kala wareegay 7-Tuulo
Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Guutada 16-aad ee ciidsnka kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa galabta kooxda Shabaab kala wareegay 7-tuullo oo ka tirsan Gobolka shabeelaha hoose ka dib dagaal Tuulooyinkaas ku dhaxmaray Ciidamada iyo kooxda Al shabaab sida lagu sheegay war caawa ka soo baxay Taliska kumaandoska Danab ee ciidanka Xoogga dalka.
Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandoska Danab oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa qaaday hawl-gal balaaran oo qorshihiisu ahaa in kooxda Shabaab laga xoreeyo deegaanada ay ka maamulaan Gobolka shabeelaha hoose sida lagu xusay warkan ka soo baxay taliska ciidanka kumaandoska Soomaaliya ee Danab.
Ciidanka kamaandoska ayaa si buuxda Al shabaab ugu qabsaday Tuulooyinka kala ah.
1-Moradiinle 2-Buula Miskiin 3-Macallinka 4-Baladul Amiin 5-Raqayle 6-Sabriye 7- Buula Bashiir oo dhamaan ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka kumandoska Soomaaliya ee Danab.
Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka Danab G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in 20 kamid ah kooxda Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgalka ay kula dagaalamayeen Al shabaab.
Ciidamada ayaa raashin iyo biyo u qaybiyay dadka Shacabka ah ee degan tuulooyinka ay ka saareen kooxda Al shabaab sida ay ka muuqato Sawirada laga soo qaaday Tuulooyinka ay qabsadeen ciidanka Danab Guutada 16-aad ee ciidanka Xoogga dalka.