Wararka Soomaalida

Ciidanka Nabad Sugidda Soomaaliya oo burburiyey Saldhig Al-shabaab ay leeyihiin

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiska Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu faafaahiyey Howlgal qorshaysan oo xalay Ciidamada NISA ay ka fuliyeen Deegaanka Dugule oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose. Howlgalkan ayaa lagu sheegay in lagu burburiyey Saldhig weyn oo Maleeshiyada Al shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka […]

Published

on

War qoraal ah oo maanta ka soo baxay Xafiiska Taliska Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa lagu faafaahiyey Howlgal qorshaysan oo xalay Ciidamada NISA ay ka fuliyeen Deegaanka Dugule oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose.

Howlgalkan ayaa lagu sheegay in lagu burburiyey Saldhig weyn oo Maleeshiyada Al shabaab ay ku lahaayeen Deegaanka Dugule Sidoo kalana Howlgalka lagu soo qabtay qaar ka mid ah Maleeshiyada Al shabaab ee Saldhigga ku sugnaa haatana Xubnahaas ay ku jiraan gacanta Hay’adda NISA.

Warkan qoraalka ah ee Hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA ka soo baxay ayaa wuxuu uqornaa sida tan”Ciidanka amniga ayaa habeynimadii 5ta Janaayo ee sanadkan, howlgal qorshaysan ku qaaday saldhig  Al-shabab ay ku leeyihiin deegaanka Dugule waxaana Ciidamadu ay burburiyeen Saldhigooda ee ku yaallay deegaanka Dugule Sidoo kale waxay Ciidamada NISA Gacanta ku soo dhigeen howlwadeeno dadka Xoolo dhaqatada ah iyo Beeralayda Shabeelada hoose si baad ah kagaqaadi jireen waxaysan raali ka ahayn dadka rayidka ah gacanta Hay’adda NISA ayeyna ku jiraan raggaas” ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay’adda NISA.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version