Wararka Soomaalida

Dabley hubaysan oo weerartay Ciidan degan Dugsiga Hiilweyne

Published

on

Wararka nagsoo gaaraya Dugsiga tababarka Ciidanka ee Hiilweyne ayaa sheegaya in caawa dabley hubaysan ay weerareen iyadoo xarunta Dugsiga Tababarka ciidanka ee Hiilweyne fariisin ciidan u tahay guuto ka mid ah ciidanka xoogga dalka qeybtooda Miletariga Soomaaliya.

Dugsiga tababarka Hiilweyne ayaa wuxuu ku yaallaa duleedka degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe wuxuuna 25 KM u jiraa magaalada Muqdisho iyadoo xarunta Hiilweyne sanadihii la soo dhaafay fariisin ciidan u,ahayd ciidan ka mid ah kuwa Soomaaliya.

Wararka ku saabsan in ciidamada degan xerada Hiilweyne caawa weerar lagu qaaday ayaa waxay sheegayaan in dagaal toos ah xerada ku dhaxmaray kooxda weerarka ku soo qaaday Hiilweyne iyo Ciidankii ku sugnaa xeradaasi oo udhow degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Bulshada ku nool meel masaafa ahaan sidaas ugu fogeyn xerada Hiilweyne ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka rasaasta ay isweedaarsadeen kooxda weerarka ku qaaday ciidanka degan Hiilweyne iyo Ciidankii la soo weeraray iyagoo sheegay in baqdin ay ku abuurtay wiiftada rasaasta is dhaaf dhaafka ah ee labada dhinac isu adeegsadeen.

ilaa hadda wax faafaahin ah laga helin weerarkaas caawa ka dhacay xerada Hiilweyne ee gobolka shabeelada dhexe khasaaraha ka dhashay weerarkaasi iyo sidoo kale kooxdan wax weerartay waxa ay yihiin in kastoo lagu qiyaasi karo inay ka tirsan yihiin kooxda Al shabaab.

Xarunta Dugsiga Hiilweyne ee ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee gobolka shabeelada dhexe ayaa wuxuu tababar ciidan u ahaa dowladdii Miletariga ahayd ee Soomaaliya iyadoo saraakiil farabafan oo berigaas ka qalan jebisay Dugsigaasi Hiilweyne inta nool maanta ay yihiin kuwo da’dooda horay ubadatay.

Trending

Exit mobile version