Health
Da’da Sigaarka iyo Tubaakada lagu iibsan karo Minnesota oo kor loo qaaday
Guddoomiyaha Gobolka Minnesota Tim Walz ayaa maanta oo Sabti ah saxiixay 11 sharci oo cusub. Sharciyadda cusub ee maanta uu saxiixay Tim Walz ayaa waxaa ka mid ah sharci kor ugu qaaday da’da sharciga ah ee lagu iibsan karo sigaarka iyo waxyaabaha ka sameysan tubaakada. Da’da cusub ee lagu gadan karo sigaarka ayaa laga dhigay 21.
“Dhamaadka maalinta, shaqadeenu waa in aan ilaalino amaanka reer Minnesota,” Walz ayaa sidaas ku sheegay hadal uu soo saaray. Tallaabooyinkan aan qaadnay ee xoogga leh ayaa hagaajin doonaan, wax baddana ka baddali doona caafimaadka dadweynaha, waxayna yareyn doonaan halista caafimaad ee laga hortegi karo.
Sare u qaadista da’da lagu iibsado sigaarka iyo waxyaabaha tubaakada ka samaysan ayaa la filayaa oo lagu raho weyn yahay in ay wax ka caawin doonto dadaalada loogu jiro joojinta balwadda, ka hortaga balwada inta ayna bilaaban si loo badbaadiyo nolosha dhallinyaradda.
Sharciga wuxuu khuseeyaa tubaakada, alaabada tobaakada, aaladaha elektiroonigga ah iyo waxyaabaha kale ee nikotiinka leh.
Sharigan cusub ee uu saxiixay Gudoomiyaha gobolka Minnesota maanta oo Sabtida ayaa ah Cutubka 88, HF 331: Tubaakada 21, wuxuuna si rasmi ah u hirgalayaa laga bilaabo maanta. Da’da lagu gato sigaarka ayaa horey u ahaan jirtay 18.