Wararka Soomaalida

Dayactirka Garoonka Stadium Muqdisho oo la gabagabeeyay

Published

on

Dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guulaysatay in dib udayactir wanaagsan ay ku sameyso Garoonka ku badda cagta ee Stadium Muqdisho oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay.

Dib udayactirkan ayaa waxaa qarash xoog leh ku bixisay dowladda federaalka Soomaaliya ka dib markii laga saaray Ciidamada AMISOM oo fariisin Ciidan muddo dheer u ahayd xarunta Stadium Muqdisho oo sidoo kale loo yaqaano Tuulada ku badda cagta ee Muqdisho Satadium.

Garoonkan oo ah mid aad ubalaaran ayaa waxaa lagu qabanjiray ciyaaraha bariga iyo bartamaha Africa berasamaadkii xiligii dowladdii dhexe ee Soomaaliya ay jirtay.

Ugu dambeyn waxaa la deday qeybta VIP-da ee Garoonka ciyaaraha Muqdisho iyadoo dhawaan kuraas casri ah la dhigi doono isla markaana lagu wado in dhawaan xariga laga jaro.

Trending

Exit mobile version