Wararka Soomaalida
Deegaanada Puntland oo ka da’ay roobab dabeylo wata
Deegaanada uu maamulo maamulka Puntland ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ka da’een roobab dabeylo wata ku waasoo saamayn ku keenay dadka reer guuraag ah ee ku nool gobolada maamulka Puntland sida wararka halkaas ka imaanaya ay tibaaxayaan.
Roobabka ka da’ay badi gobolada Puntland ayaa la sheegay inay soo rogeen daadad xoog leh oo dadka iyo duunyadaba saamayn u keenay sida Saxaafadda ay u sheegeen qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maamulka Puntland.
Gobolada ay ka da’een roobabka dabeylaha wata ayaa waxaa ka mid ah gobolka Bari iyo qeyb ka mid ah Gobolka Nugaal ee maamulka Puntland waxayna gaysteen khasaaro ubadan dhinaca Xoolaha ka dib markii buuraha iyo Dooxooyinka biya mareenka ah biyo xooggan ay soo rogeen.
Roobabkan dabeylaha wata ayaa dhawaan waxaa shaaciyay in Soomaaliya ka da’ayaan Taliska Booliska Soomaaliya iyadoo meelo badan oo ka mid ah dhulka Soomaaliya loogu diyaar garoobay roobabkaas la shaaciyay.