Wararka Soomaalida
Deg Deg: QM oo war ka soo saartay Eryida Nicholas Haysom
War Deg Deg ah oo iminka aan ka helnay dhinaca Qaramada Midoobe ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud ee QM Antonio Gutrres uu ka xunyahay tilaabadii Dowladda federaalka ay ku ceerisay Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uuna Cambaareynayo. Warku wuxuu intaas ku darayaa in Antonio Guterres uu ku howlan yahay in uu bedelo Nicholas […]
War Deg Deg ah oo iminka aan ka helnay dhinaca Qaramada Midoobe ayaa sheegaya in Xoghayaha Guud ee QM Antonio Gutrres uu ka xunyahay tilaabadii Dowladda federaalka ay ku ceerisay Xoghayihii QM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom uuna Cambaareynayo.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Antonio Guterres uu ku howlan yahay in uu bedelo Nicholas Haysom soona magacaabo Xoghaye cusub oo ay raali ka yihiin Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya.
Xoghayaha Guud ee QM ayaa sheegay in tilaabada ay qaaday Dowladda federaalka Soomaaliya ay ka xunyihiin dhamaan QM haddana marnaba hakinaynin la shaqaynta iyo xiriirkii soo jireenka ahaa ee Soomaaliya kala dhaxeeyey si buuxdana ay ula shaqaynayaan sidii awalba ay ugarabtaag naayeen.
Antonio Guterres ayaa ugu dambayn sheegay in ay uhogaansameen dalabka Dowladda Soomaaliya ee ah in Nicholas Haysom in Soomaaliya laga rabin kana shaqayn karin,dhinciisana Soomaaliya u soo magacaabi doono Xoghaye laga rabo Soomaaliya lagana jecel yahay sida ugu dhaqsiyaha badan.
Dowladda uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa noqotay Dowladdii uga horaysay oo qaaday tilaabada lagu Eryay Xoghayihii QM ee Arrimaha Soomaaliya isla markaana Qaramada Midoobe ay uhogaansamaan tilaabada Madaxda Soomaaliya.