Wararka Soomaalida
Deg-Deg:Xaaf ka guuray dhuusa Mareeb iyo warar soo baxaya
Wararka ka imaanaya degmada dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ka baxay Magaalada ka dib markii la,isku mariwaayay wadahadaladii la filayay inay dhaxmaraan Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo wasiirka arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye. Shir xalay ilaa maanta gelinkii dambe loo fadiyay ayaa ku idlaaday […]
Wararka ka imaanaya degmada dhuusa Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Geele Xaaf uu ka baxay Magaalada ka dib markii la,isku mariwaayay wadahadaladii la filayay inay dhaxmaraan Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo wasiirka arimaha gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye.
Shir xalay ilaa maanta gelinkii dambe loo fadiyay ayaa ku idlaaday is afgaranwaa iyadoo Xaaf gabi ahaanba uu diiday inuu kulan la qaato Wasiirka arimaha gudaha ee Soomaaliya ka dib markii ergadii loo diray soo eriyay.
Gudoomiyaha Ahlusuna Macalin Maxamuud,madaxda Golaha wasiirada Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo wasiir sabriye ayaa xalay ilaa maanta gelinkiii dambe shir aan loo kala kicin ku lahaa Dhuusa Mareeb iyagoo ka arinsanayay xaalada Galmudug iyo madax adeega Xaaf.
Shirkaas ayaa waxaa naloo sheegay in aakhrikii ku soo idlaaday in Xaaf haddii uu diiday wadahadal ka baxo Dhuusa Mareeb iyadoo galabta Xaaf oo wata gaadiid dagaal iyo Ciidan aad utiro badan ka amba baxay Magaalada Dhuusa Mareeb.
Warar uu helayo Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in Xaaf iyo Ciidankiisa ay degeen deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud oo qiyaastii Dhuusa Mareeb ujira sida wararka ay sheegayaan 10 KM wuxuuna deegaankaan udhexeeyaa Dhuusa Mareeb iyo Gaalkacyo.