Wararka Soomaalida
Ciidan laga qaaday Muqdisho oo gaaray Degmadda Baardheere
Wararka nagasoo gaaraya degmadda Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in galabta degmaddaasi ay gaareen Ciidan laga qaaday magaalada Muqdisho iyada oo halkaas horay ay u joogeen Ciidamo kale oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka oo kuwan ka horeeyay.
Dhowaan ayaa waxaa lagu wadaa in Ciidamo kale oo ka tirsan Militariga Soomaaliya laga qaado Magaalada Muqdisho ka dibna laga dejiyo Degmadda Baardheere si ay ugu biiraan Ciidamada kale ee ku sugan halkaas.
Ciidankan galabta ka degay Baardheere ayaa tiro ahaan lagu sheegay in ay gaarayaan 30 askari una badan Saraakiil, waa sida aan ku helnay xogtan. Haddaba ujeedada laga leeyahay ciidankan cusub ee la geeyay Baardheere ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii Al Shabaab looga saari lahaa gobolka Jubbada dhexe oo Kooxdaas si buuxda umaamusho.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadda us oo jeedsatay in Al Shabaab ay ka xorayso deegaanada Soomaaliya ay ka maamulaan iyada oo Gobolka Jubbada Dhexe uu yahay kan kaliya ee kooxdan sida buuxda ay gacanta ugu hayso.
Gobolka Jubbada Dhexe ayaa waxaa uu ka kooban yahay saddex degmo oo kala ah Bu,aale,Jilib iyo Saakow, waxaa kale oo soo weheliya tuulooyin farabadan oo muhiim u ah hadba qoladii gacanta ku dhigta.