Wararka Soomaalida
Dhaawacyadii ugu cuslaa oo loo qaaday dalka Turkiga
Diyaarad noocaa waaweyn oo xamuul ah ayaa barqadii maanta ka soo degtay Madaarka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxayna ka timid Magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaana soo diray Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan si loo soo qaado dhaawacyada dadkii Soomaaliyeed ee shalay ku dhaawacmay qaraxii weynaa ee ka dhacay Excontrol Afgooye.
Diyaaradaas ayaa waxaa la socday Dhaqaatiir Turki ah sidoo kale waxay siday Dawooyin kala duwan oo loogu talagalay in lagu daweeyo dhaawacyada ku jira Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Turk vava kuvevetleri oo ahayd diyaarada timid Muqdisho ayaa waxay Muqdisho ka qaaday 16 ka mid ah dhaawacyadii shalay ku dhaawacmay Qaraxa kuwaas oo ah kuwa ugu culus dhaawacyada.
Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa xaqiijiyay in tiradaas loo qaaday dalka Turkiga si xaalad Caafimaad oo deg deg ah u helaan.
Qaraxii shalay subax ka dhacay Excontrol Afgooye ayaa waxaa ku geeriyootay qisaastii 140 qof halka dhaawaca asna lagu qiyaasay 245 ruux markii loo eego saxmadda ka jirtay Excontrol Afgooye iyo xoogga qaraxa uu lahaa awgeed laakiin Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaasi dadka ku geeriyooday ay gaarayaan 79 qof halka dhaawacana ay ku sheegeen 111 ruux.