Wararka Soomaalida

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku geeriyooday Weerarkii Hotelka Dusit ee Nairobi Kenya

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al shabaab ay ku qaadeen galabta Hotelka Dusit ee ku yaala Degmada Westelands ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya isla markaana saacdo badan ay ka dhex dagaalamayeen Kooxdaas qaraxii ismiidaaminta ahaa ee bilowgiiba ay ku weerareen Hotelkaas ayaa waxaa  dadka ku geeriyooday ka mid noqday labo nin oo dhalinyaro Soomaaliyees ah. […]

Published

on

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Al shabaab ay ku qaadeen galabta Hotelka Dusit ee ku yaala Degmada Westelands ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya isla markaana saacdo badan ay ka dhex dagaalamayeen Kooxdaas qaraxii ismiidaaminta ahaa ee bilowgiiba ay ku weerareen Hotelkaas ayaa waxaa  dadka ku geeriyooday ka mid noqday labo nin oo dhalinyaro Soomaaliyees ah.

Waxaana lagu kala magacaabaa Cabdalla Sheekh Maxamed Daahir iyo Faysal Daahir waxayna labaduba ka shaqaynayeen Hay,ad NGO ah oo ka howlgasha Deegaanada Soomaalida ay degto ee Gobolka Waqooyi beri.

Cabdalla Daahir iyo Faysal Daahir ayaa labadaba waxay ka soo jeedaan Gobolka Waqooyi beri ee Kenya waxayna galabta ku geeriyoodeen Qaraxii hore ee Kooxda ay ku qaaday Hotelka Dusit ka hor inta aysan gudaha ugalin Hotelka.

Wiilshan Soomaali Kenyanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay fadhiyeen qeybta hoose ee Hotelka gaar ahaan meesha Gawaarida ladhigto waana goobta bilowgii weerarka ismiidaaminta ah ee Kooxdan ay ku dhufteen Gaariga Qaraxa ka buuxay uu ka dhacay.

Dhimashada guud ee weerarkii galabta ka dhacay Hotelkas ayaa gaaraysa 10 qof halka dhaawaca uu kor udhaafayo 25 ruux.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version