Wararka Soomaalida
Dhinacyada dalka Sudan oo heshiis gaaray
Golaha Miletariga dalka Sudan ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii 30 sano xukumayay dalka Sudan Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir iyo qolada mucaaradka ah ee abaabulka shacabka ee mudaharaadyada ka waday dalkaas shacankana taageersan yahay ee Sudan ayaa talaadadii la soo dhaacay heshiis dowlada wadaag ah ku yeeshay Caasimadda Sudan ee Khartoum ka dib markii bilooyinkii […]
Golaha Miletariga dalka Sudan ee xukunka ka tuuray Madaxweynihii 30 sano xukumayay dalka Sudan Jannaraal Cumar Xasan Al Bashiir iyo qolada mucaaradka ah ee abaabulka shacabka ee mudaharaadyada ka waday dalkaas shacankana taageersan yahay ee Sudan ayaa talaadadii la soo dhaacay heshiis dowlada wadaag ah ku yeeshay Caasimadda Sudan ee Khartoum ka dib markii bilooyinkii la soo dhaafay dhax dhaxaadin laga dhax waday dhinacyadaas xukunka isku haystay.
Shacabka faraha badan ee Sudan iyo qolada wax la wada ee hadafkooda ahaa in xukunka laga tuuro Albashiir ayaa waxay doonayeen in xukunka dadka rayidka ah lagu soo wareejiyo iyadoo Golaha Miletariga arinkaas aad ugu soo horjeedeen.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo madax ka tirsan Midowg africa ayaa dadaalo dhax dhaxaadin ah ka dhax waday dhinayadaas isku haystay xukunka dalka iyadoo aakhirkii arintii adkeed ku soo Biyo shubatay in dowladda wadaag ah ay dhistaan.
Heshiiska talaadadii ka dhacay Magaalada Khartoum ee Caasimadda dalka Sudan ayaa wuxuu dhigayaa in dowlad loo wadadhan yahay rayidka iyo Miletariga laga dhiso dalka Sudan.
Sidoo kale heshiiska ayaa dhigaya in Ra,iisul wasaaraha uu ka yimaado rayidka Golaha Baarlamankana ay ka yimaadaan shacabka sidoo kale Golaha xukuumadda ay ahaadaan kuwo isku dhaf ah rayidka iyo Miletariga.
Dhinacyadan ku heshiiyay dhisida dowlad wadaag ah ee dalka Sudan ayaa sidoo kale qalinka ku duugay in xukunka uu ahaado mid meerto ah marna Golaha Miletariga xukunka ay hayaan marna shacabka ay hayaan.
Markii heshiiskaas qalanka laguwada duugay soona baxay Saxaafaddana loo qeebiyay ayaa waxaa marqura isbedelay mowqifkii shacabka mudaharaadka ka waday wadooyinka waaweyn ee Magaalada Khartoum.
Shacabkaas ayaa mudaharaadkoodii ubedelay soo dhaweyn iyo mashxarad iyagoo ku dhawaaqayay hanoolaato Sudan iyo nabad ayaa lagu caana maalaa iyagoo gabi ahaanba baneeyay wadooyinkii muddo ku dhow labo sano ay deganaayeen ee hooyga u,ahayd.