Wararka Soomaalida

Dhinacyada Soomaalida oo Djabuuti shir ugu furmay

Published

on

Magaalada Jabuuti ee caasimada dalka Djabuuti ayaa waxaa shir ugu furmay dhinacyada Soomaalida waxaana shirkaas ka qeyb galay dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad waxaana looga hadlayaa kaalinta Soomaalida ee dhinaca nabada ee Geeska Africa.

Shirkan ayaa waxaa soo abaabulay Machadka THE Heritage Institute ee fadhigiisu uu yahay dalka Djabuuti wuxuuna shirkaas iskuuga keenay dhinacyada Soomaalida qeebaheeda kala duwan.

Shirkan ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah liiska loogu soo daray ismaamulka Soomaali State waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha ismaamulka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hogaaminayo.

“Waxaa Caasimada dalka Jamhuuriyada Djibouti, nooga furmay Madasha looga arinsanayo kaalinta Soomaalida ee nabada geeska Afrika. waxaa si maqaam sare ah u soo agaasimay madasha macadka, THE Heritage Institute,Soomaalidu waa hal mid oo qura taas oo macnaheedu tahay inayna saamayn ku yeelanaynin dawladaha ay kala yihiin,waxaa laga maarmaan ah anagoo qawmiyad Soomaali ah inaan si wadajir ah uga wada shaqayno nabadda iyo Horumarkeena,kala duwananshaha dawladahu maahan mid saamayn marnaba ku yeelan kara jiritaanka Soomaalinimo,wasiir Axmed Ciise Cawad Waa astaan masiiriya oo Soomaali oo dhan matala Markaste xukuumada deegaanka waxaa ka go’an xoojinta masiirka Soomalinimo iyo sidoo kale fududaynta isku socodka shacabka Soomaaliyeed iyo ka qayb-qadashada horumarka iyo waxbarshada guud ahaan umadda Soomaaliyeed”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar.

Waa markii ugu horeysay maamulka Soomaali State Madaxdooda lagu arko fagaaraha siyaasadda arimaha Somaaliya.

Trending

Exit mobile version