Wararka Soomaalida

Dhuusa mareeb oo lala wareegay

Published

on

Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa gabi ahaanba la wareegay Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya qeebahooda kala duwan iyadoo Ciidamada AMISOM qaybta ka socota dalka Jabuuti qayb ka yihiin sugida amniga Dhuusa mareeb.

Degmadaas ayaa dowladda Soomaaliya waxay gaysay Ciidamada Danab iyo kuwa sida gaarka ah utababaran ee Haramacad layiraahdo kana mid ah Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Dhamaan ciidamadan iskuuga jira AMISOM iyo kuwa Soomaaliya ayaa waxay sugayaan amniga degmada iyagoo xiliga habeenkii ah si adag u,ilaaliya amniga magaalada waxayna ku sugan yihiin Ciidamadaas oo fariisin u ah Garoonka diyaaradaha iyo bartamaha Dhuusa mareeb halka kuwa Jabuuti meel kayarabaxsan magaalada ay degan yihiin sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah bulshada magaaladaasi ku nool.

Degmada Dhuusa-mareeb ayaa waxaa hadda ku sugan Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah wasiirada Xukuumadda Soomaaliya waxaana magaaladaas lagu wadaa in maalinta bari ah si rasmi ah ugu dah furo Ra’iisul wasaaraha shirka dib uheshiisiinta beelaha dega Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa Dhuusa mareeb in lagu qabto doorashada Madaxweynaha cusub ee Galmudug iyadoo inta ka horaysana la soo xuli doono Golaha Baarlamanka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version