Wararka Soomaalida
Dibadbax looga soo horjeeda shirka Lodon oo ka dhacay Magaalada London
Magaalada Lodon ee dalka UK ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo Shirka Sahminta Shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada London ee dalka Britain,shirkaas oo ay ka qayb galeen Khubaro Soomaaliyeed iyo Khubaro ajanabi ah. Shirkaas ayaa waxaa kaloo ka qayb galay shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay iyo shirkado kale […]
Magaalada Lodon ee dalka UK ayaa maanta waxaa ka dhacay dibadbax looga soo horjeedo Shirka Sahminta Shidaalka Soomaaliya ee maanta ka furmay Magaalada London ee dalka Britain,shirkaas oo ay ka qayb galeen Khubaro Soomaaliyeed iyo Khubaro ajanabi ah.
Shirkaas ayaa waxaa kaloo ka qayb galay shirkadda Spectrum ee dalka Norway laga leeyahay iyo shirkado kale oo danaynaya arrimaha shidaal baarista Soomaaliya lagu sameeyey iyo soo bandhigida macluumaadka arrintaas laxariirta.
Dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qayb galay shirkan Wasiirka Batroolka iyo Teknolijiyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo.
Dhinaca maamul goboleedyada ayaa waxaa ugu qayb galay Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Shanta Maamul Goboleed ee Soomaaliya,sidoo kale waxaa lagu casuumay Madaxda Ururada Bulshada rayidka ee Soomaaliya.
Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada London ee Qurba joogta ah ayaa walaac ka muujiyey arrintan ku saabsan shirka iyo arrimaha Shidaalka Soomaaliya ka dib markii aqoonyahanada, Siyaasiyiinta iyo Bulshada qaybahooda kala duwan mudooyinkaamba ay qayladhaan ay ka muujinayeen shirka London.
Quraba joogta Soomaaliyeed ee dalka Britain gaar ahaan Magaalada London ee shirkan uu ka socdo ku nool ayaa dibadbax ka dhigay meesha shirka uu ka socdo iyagoo sita Boorar ay ku qoranyihiin ereyo ku saabsan sida ay ugu soo horjeedaan shirkaas.
Bulshada Soomaaliyeed ayaa muddooyinkan walaac xooggan ka muujinayey shirkaas iyagoo sheegaya in shirkaas uu yahay mid lagu xaraashayo Shidaalka Soomaaliya.
Dibadbax yadaas ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Madaxda uga saraysa dowladda federaalka Soomaaliya ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Farmaajo ay sheegeen in fikirka ay iska dhaadhiciyeen Shacabka Soomaaliyeed ee ku aadan shirkan uu yahay aragti qaldan wax ku saabsan Xaraash,Shidaal iyo wax la mid ah looga hadlaynin shirka London maanta ka furmay.
Waxay Madaxdu warkoodu intaas ku dareen in shirkan kaliya looga hadlayo xog uruurintii Sahankii Shidaal ee lagu sameeyey Soomaaliya in ay ku yaalaan Ceelal Shidaal iyo soo bandhigis arrintaas laxariirta oo kaliya uu ku saabsan yahay shirka London maanta ka furmay.