Wararka Soomaalida

Dibad baxyo khasaaro ka dhashay oo ka dhacay Jigjiga

Published

on

Banaan baxyo balaaran ayaa maanta hareeyay qaybo ka mid ah magaalada jigjga ee ismaamulka Soomaali State ka dib markii maalmo ka hor deegaanka axmaarada dab lagu qabadsiiyay 3 Masaajid oo Mulamiinta ay ku la haayeen deegaanadaas isla markaana arintu Masajidada oo kaliya ku koobnayn oo dadka Muslimka ah xataa dhibaato badan loogaystay.

Dibad baxayaasha ayaa ficiladaasi lagula kacay Beedkii ilaahay iyo dadka Mulimka ah uga jawaabayeen iyadoo dibad baxyo waa wayn Muslamiinta ay ka dhigeen deegaamada Oramada iyo dhulka Soomaalida ee Ethiopia.

Dibad baxayadii maanta ka dhacay magaalada Jigjiga ayaa waxaa lagu soo waramayaa in seddax qof ay ku dhaawacmeen ka dib markii ciidamada amniga iyo shacabkii dibad baxayay ay isku dhaceen sida aan wararka ku helnay.

Sidookale goobaha dibad baxyada ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ah Qoraxay iyo Qabridahar waxaana si weyn loogu cambaareeyay ficilka xun ay sameeyeen kiristaanka deegaanka axmaarada ee Masaajidda lagu gubay iyadoo saamayn wayn ay ku yeelatay dadka islaamka ah waxayna dhacdadaasi ku tilmaameen dhacdo si kutala gal ah ay u sameeyeen dadyoowga kiristaanka ah.

Dawladda iyo laamaha amaanka ayaan faah faahin dheeraad ah ka bixinin dhacdadan balse dadka islaamka ah uguna tiradabadan dalka Ethiopia ayaa shucuubtooda ku cabiray banaabaxyada waaweyn ee ay sameeyeen.

Trending

Exit mobile version