Wararka Soomaalida

Diiwaan galinta Musharaxiinta Puntland iyo Sharuuradaha lagarabo oo lagu dhawaaqay(Akhriso)

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo maanta lagu dhawaaqay ayaa Caawa soo saaray Jadwalka iyo habraaca Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulkaas. Gudiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku faafaahiyeen Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta utartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka. Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweynaha ayaa […]

Published

on

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland oo maanta lagu dhawaaqay ayaa Caawa soo saaray Jadwalka iyo habraaca Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Maamulkaas.

Gudiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa soo saaray War-Saxaafadeed ay ku faafaahiyeen Shuruudaha laga doonayo Musharaxiinta utartamaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka.

Musharaxiinta utaagan xilka Madaxweynaha ayaa waxaa laga laga rabaa in uu bixiyo 20-Kun oo Dollar,Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa laga doonayaa in uu bixiyo 10-Kun oo Dollar.

Gudiga ayaa sheegay in Diiwaan galinta ay bilaabatay maanta oo Sabti ah waxayna ku egtahay maalinta beri ah axadna ay ku beegan tahay.

Musharaxiinta utaagan Madaxweynaha ayaa waxay gaarayaan 30 Musharax iyadoo ku xigeenka inta doonaysana ay gaarayaan 15 xubnood.

Maamulka Puntland ayaa lagu soo waramayaa in Doorashadan ay ka duwan tahay Doorashooyinkii soo marijiray waxaana ka soo xaroonaya Qarash aan iniba caadi ahayn sida muuqata 30 Musharax ee Musharaxiiba iska Diiwaan galiyo 20-Kun oo Dollar ayaan waxaa meeshaas ka soo xaroonaya Dakhli aan yarayn oo gaaraya 600 oo Kun oo Dollar.

Madaxweyne ku xigeenka inta doonaysa ee 15 gaaraya isla markaana Musharaxiiba uu iska Diiwaan galinayo 10-Kun oo Dollar ayaa waxaa ka imaanaysa lacag dhan 150-Kun oo Dollar.

Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku xigeenka Puntland ayaa waxay ku beegan tahay in ay dhacdo 8-da bishan January  oo ku aadan maalinta talaadada ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version