Wararka Soomaalida
Dilkii Almaas oo loo xiray Sawir qaade la socday
Iyadoo galabta gudaha xerada amaankeeda sida aadka ah loo ilaalyo ee Xalane lagu dilay Almaas Elman Cali Axmed ayaa waxaa hadda xabsiga loo dhigay Wariye Sawir qaade madaxbanaan ah oo lagu magacaabo Siciid Fadhaye oo la socday Gabadha la toogtay wuxuuna ku xiran yahay Saldhiga Booliska garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Xabada dishay alle ha uraxmadee Almaas Elman Cali Axmed ayaa waxay ka soo dhaxbaxday qeybta gadaale gaarigiida xili ay saarnaayeen gaariga iyada iyo Wariyaha Sawir qaadaha ah halka gaariga ay waday marxuumada la dilay Almaas Elman Cali Axmed sida uu sheegay Sawir qaadaha la socday gabadha.
Sawir qaade Siciid Fadhaye ayaa bartiisa Facebook sidan ku soo qoray ka dib markii ay naf baxday Almaas Elman Cali Axmed.
“Alxamdulilaah waan nabad qabaa kaddib weerar nalagu soo qaadday aniga iyo walaasheey Almaas Elman,Almaas dhabtayda ayeey ku geeriyootay,Rabbi ha u naxariisto,waxaan ku xiranahay saldhiga policeka ee Airportka sabatana ma aqaan intii wixii nasoo weeraray raadin lahaayeen anagey nagu mashquuleen”
ilaa hadda macada cida dishay waxa ay yihiin Almaas Elman Cali Axmed oo ahayd gabar ka shaqaynaysa arimaha xuquuqul insaanka xili gaarigeeda ku dhaxwadatay meesha ugu amaanka badan magaalada Muqdisho ee ah xerada Xalane waxayna haysatay dhalashada wadanka Canada,dhanka kale ilaa hadda falkan dilka ah kamahadlin dowladda federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee xeradaas sida aadka ah u,ilaaliya.
Almaas Elman Cali Axmed ayaa waxaa la dilay iyadoo ku gudajirtay ka shaqaynta arimaha nabadda Soomaaliya halka Aabaheeda Elman Cali Axmed la dilay sanadka markuu ahaa 9 March 1996 isagoo ka shaqaynayay howlaha xuquuqul insaanka iyo nabadda Soomaaliya waxaana lagu dilay magaalada Muqdisho.