Wararka Soomaalida

Dowladda Ingiriiska oo 100 Ciidan Soomaali ah tababar usoo xirtay

Published

on

Saraakiil udhashay dalka Ingiriiska ayaa maanta waxay tababar usoo xireen Ciidan gaaraya 100 askari oo ay tababarayeen ku dhawaad 8 bilood ka dib munaasabad lagu soo bandhigayay tababarka Ciidankan oo ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Munaasabadan lagu soo xirayay tababarka Ciidankaas ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender iyo sidoo kale Saraakiishii Ciidankan soo tababaray.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo Munaasabada ka jeediyay khudbad dheer oo ka hadlaysay amniga iyo faa,iidada cilmi ee Ciidanka la soo baray ayaa saraakiisha Ciidamadan kula dardaarmay in dalka iyo dadka Soomaaliyeed si Alle ka cabsi ah ugu shaqeeyaan,laga bilaabo maantana uu fuulay waajibaadkii Ciidan ee ka saarnaa dadka iyo dalka Soomaaliyeed ee ay wax usoo barteen.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Ben Fender oo munaasabada khudbad ka jeediyay ayaa uhambalyeeyay Ciidankan soo dhamaystay tababarka Ciidan wuxuuna kula dardaarmay in dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba si daacadnimo ah ugu shaqeeyaan cilmigii Ciidan ee muddadaas dheer la soo baray sidoo kale ay ugu faa,iideeyaan Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya wixii ay soo barteen si loo helo saraakiil khibrad sare leh si dalka nabad loogu soo dabaalo.

Ciidankan gaaraya 100 askari ee ay tababareen Saraakiisha Ingiriiska ayaa waxay noqonayaan Dufcadii ugu horaysay ee dalka Ingiriiska Soomaaliya Ciidan utababaraan iyadoo horay loo arkijiray wadamada Maraykanka iyo Turkiga oo Soomaaliya Ciidamo utababaray.

Ciidamadan soo dhamayatay tababarka Ciidan ayaa badankood waxaa loo tababaray Saraakiilnimo iyo hogaanka ciidanka iyadoo mudadaas tababarka Ciidan ku qaadanayay xero Ciidan oo ku taala Magaalada Baydhabo waxayna ka mid noqonayaan Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed.

Dalka Ingiriiska ayaa wuxuu ka mid yahay wadamada caalamka ee Soomaaliya ay ka joogaan saraakiil tababarayaal ah iyagoo saraakiishooda tababar cilmi Ciidan ah siinaya Ciidamada iyo saraakiisha Xoogga dalka Soomaaliya.

Trending

Exit mobile version