Wararka Soomaalida
Dowladda IRAN oo soo riday diyaarad Maraykanka laga leeyahay
Ciidamada Milatariga dowladda IRAN ayaa maanta soo riday diyaarad nooca dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Maraykanka ka dib markii hawada IRAN ay soo gashay diyaaradaas dagaalka ee Maraykanka uu leeyahay. Muuqaal baahiyaha dowladda IRAN ayaa baahiyay in diyaarad nooca dagaalka ah ay soo gashay hawada iran ka dibna Ciidamada uqaabilsan hawada iran ay toogteen […]
Ciidamada Milatariga dowladda IRAN ayaa maanta soo riday diyaarad nooca dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Maraykanka ka dib markii hawada IRAN ay soo gashay diyaaradaas dagaalka ee Maraykanka uu leeyahay.
Muuqaal baahiyaha dowladda IRAN ayaa baahiyay in diyaarad nooca dagaalka ah ay soo gashay hawada iran ka dibna Ciidamada uqaabilsan hawada iran ay toogteen ka dibna soo dhacday.
Markii Television-ka IRAN uu baahiyay warkaas ku aadan in Ciidamada iran ay soo rideen diyaarad dagaal oo laga leeyahay Maraykanka ayaa waxaa waxyar ka dib Saxaafadda IRAN lahadlay Wasiirka difaaca IRAN wuxuuna sheegay in diyaarad nooca dagaalka ah hawadooda soo gashay ka dibna Ciidamada iran gantaal la haleeleen dhulkana ku soo dhacday diyaaradaas iyadoo Holac uu ka baxayo diyaaradaas.
Wasiirka Gaashaandhiga iran ayaa wuxuu intaas warkiisa ku daray in ay dul istaageen diyaaradda intii ka hartay ka dibna ay xaqiijiyeen in Maraykanka laga leeyahay diyaaradaas ka dib markii calaamada Maraykanka ku arkeen diyaarada.
Dhinaca kale warkan ka soo baxay IRAN ee sheegaya inay soo rideen diyaarad dagaal oo laga leeyahay Maraykanka ayaa waxaa ka jawaabay Maraykanka waxaana war ka soo baxay Washington lagu xaqiijiyay in Ciidamada IRAN ay soo rideen diyaarad nooca dagaalka ah oo iyaga leeyihiin.
Mas,uul u hadlay Maraykanka kuna hadlay magaca wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka ayaa wuxuu sheegay in warka iran uu yahay mid dhab ah oo jira ka dib markii Ciidamada IRAN Gantaal la heleen diyaaradaas iyadoo diyaaradiina dab uu ka kacay sidaasna ku burburtay.
Mas,uulkan uhadlay Maraykanka ayaa sheegin oo kala cadaynin in diyaaradooda si ugu talagal ah ugashay hawada IRAN iyo in si ku talagal ahayn ku gashay IRAN.
Tallaabadan ay ku soo rideen diyaaradda Maraykanka Ciidamada IRAN ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horaysay abid Ciidamada IRAN dowladda Marayka ay ka soo ridaan diyaarad dagaal.
Dowladaha IRAN iyo Maraykanka ayaa waxaa ka dhaxeeya dagaal soo jireen ah inkastoo dagaalkooda uu ahaa mid afka baarkiisa dhaafsisanayn hadda wixii ka horeeyay laakiin tani ay noqonayso mid bilow ah Baansiina ku sii shubaysa dagaalka labada dowladood ka dhexeeya.
Dowladda IRAN ayaa maraykanka waxbadan ugu hanjabay inuu weerarayo ka dib markii IRAN uu ku tuhmay inay samaysanayso Hubka halista badan ee Nuclear-ka iyadoo IRAN wararkaas beenisay.
Maraykanka ayaa mararbadan ku soo rogay IRAN cunaqabatayn dhanwalba leh iyadoo ilaa hadda IRAN uu saaranyahay go,doomintaas Maraykanka uu ku soo rogay.