Wararka Soomaalida

Dowladda Kenya oo go,aankeedii wajeer ka dhabaysay+sawiro

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ee diyaarada Kenya Airway ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta. Amarka ka soo baxay Kenya ayaa wuxuu ku aadanaa in diyaarada Kenya Airway duulimaadka ay ka qaado Muqdisho ku dejiso garoonka diyaaradaha ee Wajeer si halkaas loogu baaro. Arintaas ayaa maanta […]

Published

on

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay duulimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi ee diyaarada Kenya Airway ee Aadan Cadde iyo Jomo Kenyatta.

Amarka ka soo baxay Kenya ayaa wuxuu ku aadanaa in diyaarada Kenya Airway duulimaadka ay ka qaado Muqdisho ku dejiso garoonka diyaaradaha ee Wajeer si halkaas loogu baaro.

Arintaas ayaa maanta si toos ah udhaqan gashay waxaana rakaabkii maanta diyaaradda Kenya Airway ay ka qaaday Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho lagu dejiyey Garoonka diyaaradaha ee Wajeer iyadoo baaritaan halkaas lagu marsiiyey.

Sababta Kenya sidaas usamaysay ayaa wali faafaahin ka bixinin dowladda Kenya iyadoo dowladda Soomaaliya arintaas siweyn ugu carootay.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa uu ahaa duulimaadka diyaarada Kenya Airway mid toos ahaa Muqdisho iyo Nairobi ka dib markii madaxda labada dowladood shir ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ay ku heshiiyeen in duumaadka uu ahaado mid toos ah.

War saxaafadeed daraad ka soo baxay wasaaradda Duulista hawada ee Soomaaliya ayaa si kulul looga hadlay tallaabada ay qaaday dowladda Kenya ee ah in rakaabka Soomaaliyeed ee saaran diyaarada Kenya Airway lagu hakiyo Garoonka diyaaradaha ee Wajeer islamarkaana qalad ku ah shacabka Soomaaliyeed in lagu dhibaateeyo Wajeer ee Gobolka waqooyi beri ee Kenya xoogga ku haysato.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version