Wararka Soomaalida
Dowladda oo bilowday diiwaan gelinta Ciidanka Ahlusuna+Sawiro
Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa ka qabsoontay munaasabad lagu diiwaan gelinayay Ciidamadii Ahlusuna Waljamaaca ee dhowaan sida rasmi ah loogu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya waxaa munaasabadaas ka qayb galay mas,uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiiro Xildhibaano,Saraakiil iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM. Saraakiisha […]
Degmada Dhuusa-Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa maanta waxaa ka qabsoontay munaasabad lagu diiwaan gelinayay Ciidamadii Ahlusuna Waljamaaca ee dhowaan sida rasmi ah loogu wareejiyay dowladda federaalka Soomaaliya waxaa munaasabadaas ka qayb galay mas,uuliyiin uu ka mid yahay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre,Wasiiro Xildhibaano,Saraakiil iyo qaar ka mid ah Saraakiisha Ciidamada AMISOM.
Saraakiisha ku sugnaa howlka munaasabadda lagu diiwaan gelinayay Ciidamada Ahlusuna ayaa waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Miletariga Soomaaliya Sareeye Guuto Daahir Aadan Cilmi(Indho Qarshe) Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Bashiir Cabdi Maxamed (Americo) iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyagoo ka mid ah madaxda kala xukumi doonta Ciidanka Ahlusuna ka dib markii la soo gabagabeeyo diiwaan gelinta ka dibna lagu kala biirin doono seddaxda Ciidan ee Soomaaliya sida Booliska,Miletariga iyo Asluubta.
Munaasabadda ayaa waxaa sirasmi ah loogu diiwaan gelinayay Ciidamada Ahlusuna si ay ugu mid noqdaan Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyadoo loo samayn doono dhaqan celin islamarkaana hadda wixii ka bilowda xuquuqdooda ay ku yeelanayaan Dowladda federaalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo hadal ka jeediyay munaasabadaas ayaa umahad celiyay madaxda Ahlusuna sida geesinimada leh ee Ciidankooda iyo gaadiidkooda ugu soo wareejiyeen Dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intaas hadalkiisa ku daray in Ahlusuna waljamaaca astaan iyo bilow wanaagsanba uyihiin nabadda iyo midnimada Soomaaliya islamarkaana ay yihiin Ahlusuna kuwo utaagan midnimada,wadajirka iyo Qaran jaceylka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in munaasabadda maanta Dhusa-Mareeb ka dhacday ay farriin u dirayso kooxda Al shabaab isagoo ugu baaqay shacabka hubka heysta in ay ku daydaan tallaabada ay qaadeen Madaxda Ahlusnna islamarkaana hubka ay ku wareejiyaan dowladda dhexe, si loogu difaaco qarannimada iyo wadajirka umadeed ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaaraha ayaa cadeeyay in askari kasta ee la diiwaan geliyay xuquuqdiisa uu ka helayo dowladda Soomaaliya,Saraakiisha Ciidanka Ahlusuna wuxuu ugu laab qaboojiyay Ra’iisul wasaaraha inay kamid noqonayaan Saraakiisha Ciidamada qalabka sida ee dalka,ayna ka howl gelayaan deegaan kasta oo dowladdu udirto.
Ciidamada Ahlusuna ee diiwaan gelinta maanta lagu bilaabay ayaa lagu kala darayaa qaybaha uu ka koobanyahay Ciidanka qalabka ee dowladda federaalka Soomaaliya waxaana la marsiinayaa hab-raaca diiwaan gelinta habka Bio-metric kaasoo uhorseedaya in arkari kasta xogtiisa oo dhammaystiran la keydiyo.
Munaasabadda daahfurka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha guddiga Midawga Africa ee u qaabishan Soomaaliya Francisco Madeira iyo ergayga gaarka ah ee IGAD Maxamed Cali Guyo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa munaasabadda kadib kormeeyay xarumaha ay ka bilaabatay diiwaan gelinta ciidanka waxaa uu faray mas’uuliyiinta ku howlan diiwaan gelinta in sida ugu dhaqsaha badan ay shaqada ku qabtaan si ciidanka ugu diyaar garoobaan xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al shabaab.