Wararka Soomaalida

Dowladda oo markii ugu horaysay ka hadashay shaqaale xabsi ugu jira

Laamaha amniga ee dowladda Soomaliya ayaa dhawaan xabsiga dhigay 9 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii qaabilsanaa qeybta Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Shaqaalahaas 9 ruux gaaraya ayaa waxaa soo dacweeysay xarunta dambi baarista ee CID iyadoo muddo ku siman Todobaad ay ku jiraan Xabi ku yaala xarunta […]

Published

on

Laamaha amniga ee dowladda Soomaliya ayaa dhawaan xabsiga dhigay 9 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan kuwii qaabilsanaa qeybta Canshuuraha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Shaqaalahaas 9 ruux gaaraya ayaa waxaa soo dacweeysay xarunta dambi baarista ee CID iyadoo muddo ku siman Todobaad ay ku jiraan Xabi ku yaala xarunta CID ee Muqdisho.

Shaqsiyaadkan ayaa waxaa loo haystaa inay lunsadeen lacagtii Canshuurta ee Wasaaradda Maaliyadda ay uqaabilsanaayeen Khaadka iyo ilaha kale ee dhaqaalaha laga qaado sidaasna xabsiga loo dhigay.

Saraakiisha Ciidanka Booliska ayaa matkii ugu joraysay ka hadlay xariga 9 qof ee shaqaalaha ka ahaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Taliyaha hogaanka Canshuuraha Bariga ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in raggan loo xiray arimo la xiriira Musuq Maasuq.

Jannaraal Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa sheegay inay Mas’uuliyiintaas soo xirtay CID-da ayna ku jiraan gacanta Dowladda cadaaladana la marsiin doono maalmaha soo socda.

Bariise ayaa sheegay inay Mas’uulyiintaas xabsiga la dhigay kadib markii uu sheegay  ay heleen xog ku saabsan musuq maasuq ay ku kaceen.

Dadka la xiray ayuu sheegay inuu isugu jiraan Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Saraakiil kamid ah Ciidanka Booliska Qeybta Canshuuraha.

Taliyaha ayaa xusay inuu baaritaanka ku socdo shaqaalahaas isla markaasna natiijadii kasoo baxdo loo gudbin doono Maxkamadda awoodda u leh qaadista eedeymaha musuqa la xiriira ee lagu heysto.

Taliyaha  waxa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in Canshuurta ay shacabka masaakiinta iyo ganacsatada kala duwan bixiyaan in shaqsi si gaar ah uu u isticmaalo taasna ay ka dhallan doonto in Maxkamad la isisoo taago.

Jannaraal Cabdullaahi Xasan Bariise waxaa uu sheegay in Shacabka Canshuuraha ay bixinayaan ay ugu tala galeen in ay ku kabaan dowladda si dalka uu u hormaro balse aanan la aqbali karin in shaqsiyaadiki lagu aaminay ay ku tagri falaan lacagahaasi Canshuuraha ah oo ay bixiyeen Shacabka.

Raggan nusuq maasuqa loo xiray ayaa waxay kala yihiin.

1-Madaxii Canshuurta Khaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud.

2-Madaxii qeybta Canshuuraadka Garoonka Aadan Cadde, Cabdiweli nin magaciisa lagu soo koobay.

3-Ninkii qaabilsanaa tirinta Khaadka oo magaciisa lagu soo koobay Farxaan.

4-Madaxii qeybta xisaabaadka ee Garoonka Aadan Cadde Cabdirisaaq Xuseen Qaasim (Saaq-Saaq)

Raggan qaabilsanaa canshuurta ee Musq Maasuqa uxiran labo ka mid ah horay waxay u,ahaayeen Wariyaal sida Cabdirisaaq Xuseen Qaasim Saaq Saaq halka kan labaadna uu yahay Milkiilaha Radio Shabelle Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud.

Sawirka Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud

Sawirka Cabdirisaaq Xuseen Qaasim Saaq Saaq.

Waxaa kaloo jira shan qof oo wali magacyadooda na soo gaarin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version