Wararka Soomaalida
Dowladda Soomaaliya oo baahisay xiliga lagelayo Imtixaanka midaysan(Akhriso)
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay xiliga lagelayo Imtixaanaadka midaysan ee dugsiyada sare ee Soomaaliya dhamaan Gobolada dalka markii laga reebo Maamulka Soomaaliland. Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo caawa soo saaray Jadwalka Imtixaanka midaysan ee ay qaadeyso Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in maalinta sabtiga ah ee ku […]
Dowladda Soomaaliya ayaa caawa baahisay xiliga lagelayo Imtixaanaadka midaysan ee dugsiyada sare ee Soomaaliya dhamaan Gobolada dalka markii laga reebo Maamulka Soomaaliland.
Wasiirka waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Cabdulaahi Goodax Barre oo caawa soo saaray Jadwalka Imtixaanka midaysan ee ay qaadeyso Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in maalinta sabtiga ah ee ku beegan bisha MAY 11-5-2019ka dhamaan ardayda ka qalin jebineysa dugsiyada sare ay gelayaan imtixaankaas.
Imtixaanka midaysan ee ay qaadeyso dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ka soo hor jeestay Maamulada Jubbaland iyo Puntland waxayna sheegeen in amarka Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya uhogaansamaynin
Warkaas ka soo baxay Maamulada Puntland iyo Jubbaland wasaaradaha uqaabilsan dhanka waxbarashada ayaa waxaa jawaab adag ka bixiyey Wasiirka waxbarashada Soomaaliya wuxuuna sheegay in shahaadada Ardayda gelin imtixaanka ay qaadagso dowladda Soomaaliya la,aqoonsan doonin.
Haddii ay dhacdo in imtixaankan ay ka haraan Ardayda wax ka barata deegaanada Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa waxay caqabad weyn ku noqon doontaa hadhaw markii Jaamacad dibadda ah wax barasho ay u,aadayaan.