Wararka Soomaalida
Dowladda Turkiga oo war ka soo saartay arrimaha Soomaaliya
War maanta ka soo baxay Dowladda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay bilaabayso wada hadaladii Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya islamar kaana kaalin mugleh ay ka ciyaarayso dar dar gelinta wada hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya. Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Turkiga […]
War maanta ka soo baxay Dowladda dalka Turkiga ayaa waxaa lagu sheegay in ay bilaabayso wada hadaladii Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya islamar kaana kaalin mugleh ay ka ciyaarayso dar dar gelinta wada hadalada Soomaaliland iyo Soomaaliya.
Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay in Turkiga uu ku howlan yahay dedaalo la doonayo in dib loogu bilaabo wada hadalada Maamulka Somaliland iyo Soomaaliya wuxuuna xusay in Turkigu ergay cusub u magacaabay wada hadalada labada dhinac.
“Dawladda Turkigu, waxay ku dedaalaysaa inay door firfircoon ay ka ciyaarto wada hadalada labada dhinac ee Somaliland iyo Soomaaliya, ilaa haddana waxaan samaynay dedaalo, hadda ka dibna waan sii wadaynaa dedaaladaas.” Ayuu yiri Safiirka Turkiga ufadhiya Soomaaliya Mudane Mehmet.
Waxaa uu intaas raaciyay Safiirka“Safiirkayaygii hore ee Soomaaliya Olgan Bekar hadda waxa loo magacaabay wakiilka gaarka ah ee Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya waxaan rajaynaynaa inuu booqasho ku imaan doono Muqdisho”
Isagoo ski faafaahinaya arintan safiirka dedaalka dawladda Turkiga ee isu,soo dhawaynta Somaliland iyo Soomaaliya ayaa waxaa uu yiri “Dawladda Turkiga way ka go’antahay dedaalada ku aadan suurtagelinta wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ka Turkish ahaan waxaan samayn doonaa wax kasta oo karaankeena ah sii socoshada wada hadalada waxayna ku xirantahay labada dhinac bisaylka arintan iyagaa u madaxbanaan,anagu waxaan ciyaaraynaa door walaaltinimo ah oo keliya iyo fududayn.
Dhaqankayagu wuxuu yahay in labadii walaalo ah wax kala tabanaya inaan dhexdhexaadino oo la kala dhex galo”ayuu hadalkiisa ku soo gunaanaday Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yilmaz.