Wararka Soomaalida

Duulimaadkii tooska ahaa ee Nairobi iyo Kismaayo oo la mamnuucay

Published

on

Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada Soomaaliyeed ayaa caawa soo saaray qoraal ay ku mamnuucayaan duulimaadyada tooska ah ee Kenya iyo Kismaayo iskiiga kala gudba.

Warqadda kasoo baxay qaybta adeegga Akhbaaraadka duulimaadyada hay’adda FIS oo uu helay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegaya in dhammaan duulimaadyada ka imanaya meel kasta oo Kenya ka mid ah ee sida tooska ah u tagaya Kismaayo la mamnuucay.

“Dhamman duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibedda ah ee ku socda garoonka diyaaradaha Kismaayo waa inay soo maraan Muqdisho”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay hay’adda saadaasha Hawada Soomaaliya.

Horay ayaa dowladda Soomaaaliya waxay u mamnuucday duulimaadkii tooska ahaa ee tegijiray Kismaayo laakiin arintan duulimaadka toosk ah ee Kenya iyo Kismaayo waa mid cusub lamana oga sida rasmiga ah ee uu ufuli doono amarkan.

Qaar ka mid ah dadka xog ogaalka ah oo lahadlay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya arintan ugu goleedahay wafdiga Kenya ka imaanaya in looga hortegayo ka dib markii dhowaan diyaarad laga leeyahay Kenya si toos ah ucaga dhigatay magaalada Kismaayo iyadoo wada siyaasiyiin Soomaali ah.

Trending

Exit mobile version