Wararka Soomaalida
Ergayga QM oo ku wajahan Soomaaliland
Ergayga gaarka ah ee QM arimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhowaan waxaa la filayaa inuu booqasho ku tegi doono magaalada Hargaysa ee Soomaaliland iyadoo warar si hoose aan uhelnay ay sheegayaan inay Taleefon uu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi James Swan ka dibna ku wargeliyay inuu ku soo wajahan yahay,Madaxweynaha Soomaaliland dhankiisa uu […]
Ergayga gaarka ah ee QM arimaha Soomaaliya James Swan ayaa dhowaan waxaa la filayaa inuu booqasho ku tegi doono magaalada Hargaysa ee Soomaaliland iyadoo warar si hoose aan uhelnay ay sheegayaan inay Taleefon uu kula hadlay Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi James Swan ka dibna ku wargeliyay inuu ku soo wajahan yahay,Madaxweynaha Soomaaliland dhankiisa uu ka yeelay booqashada Ergayga Qaramada Midoobe ee Soomaaliya inuu booqasho ku yimaado Soomaaliland.
Safarka James Swan ee Soomaaliland ayaa wuxuu daaranyahay sida aan xogta ku hayno dardargelinta wada hadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland iyadoo muddo sanado ah arimahaas hakad ay ku jiraan sidii loo qaban lahaa kulankaas u, aadayo Soomaaliland James Swan iyo wafdigiisa.
Wakiilka QM ee arimaha Soomaaliya James Swan ayaa markii uu tago Hargaysa wuxuu shirar kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Soomaaliland sida Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Golahiisa wasiirada asagoo ku dardarsiin doono inay aqbalaan Soomaaliland in wada hadal uu dhaxmaro dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland una sheegi doono in lagamaarmaan ay tahay in labada dhinac wada hadlaan si dhinacba dhinaca kale ucadeeyo mowqifkiisa.
Sidoo kale Ergayga gaarka ah ee qaramada midoobe ee arimaha Soomaaliya James Swan ayaa intii uu ku sugan yahay magaalada Hargaysa wuxuu shirar kala duwan la qaadan doonaa Gudoomiyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah Soomaaliland ee Wadani iyo Ucid wuxuuna kala hadli doonaa dhankooda arimaha wada xaajoodka ah ee Soomaaliland iyo Dowladda federaalka Soomaaliya sidii loo heli lahaa.
Wakiilka qaramada midoobe ee arimaha Soomaaliya James Swan markii xilkan loo magacaabay dhowr bil ka hor ayaa shaqadiisii ugu horaysay ka bilaabay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,kan Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre ka dibna wuxuu aaday Maamul Goboleedyada dowladda federaalka Soomaaliya hoos yimaada.
James Swan ayaa dhinaca maamulada wuxuu ka bilaabay Puntland,Jubbaland, Hirshabelle,Koonfur Galbeed igo Galmudug iyadoo dhamaan masuuliyiinta Maamuladaas ee uu la kulmay kala soo hadlay arimaha amniga,Siyaasadda iyo dhaqaalaha.
Safarkaas shaqo ee James Swan ayaa waxaa uu ku soo xiray maamulka Gobolka Banaadir oo shalay kulan dheer ay wada qaateen asaga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Injineer Yariisow inkastoo gadaashiis qarax uu ka dhacay xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.