Wararka Soomaalida

Faa-faahin dheeraad ah oo ka soo baxaya Qaraxii ka dhacay Premier Bank Daawo Sawirada

Qaraxii Gaariga lagu xiray ee galabta ka dhacay Afaafka hore ee Premier Bank ee ku yaalla Wadada ka timaada dhanka Tarbuunka meesha ay kaga darto Wadada KM4 ee Magaalada Mhqdusho ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo rayid ah iyadoo dadkaas dhaawacooda lanoo sheegay in ay yihiin kuwo fudad,mijirin qof ku dhintay qaraxaas. Gaariga qaraxay […]

Published

on

Qaraxii Gaariga lagu xiray ee galabta ka dhacay Afaafka hore ee Premier Bank ee ku yaalla Wadada ka timaada dhanka Tarbuunka meesha ay kaga darto Wadada KM4 ee Magaalada Mhqdusho ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 ruux oo rayid ah iyadoo dadkaas dhaawacooda lanoo sheegay in ay yihiin kuwo fudad,mijirin qof ku dhintay qaraxaas.

Gaariga qaraxay ayaa noociisu ahaa Harder sida Wargayska Tusmotimes Suxufiyiinta ka shaqeeya oo gaaray goobta ay ku soo arkeen wuxuuna Parking loo dhigay Gaarigaas Afaafka hore ee Premier Bank.

Qaraxan ayaa waxaa loo badinayaa in Gaariga Meesha lagu Parking loogu xiray laakiin macada sababta shaqsigan qaraxa loogu xiray gaarigaas iyo sababta ka dambaysa.

Shaqsiga iska leh gaarigaas qaraxay ayaa ku jiray Bangiga gudihiisa xiliga Gaarigiisa uu qarxayey waxaana Tusmotimes sidoo kale ay u sheegeen qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa goobtaas in shaqsigan uu ka mid ah yahay Mas,uuliyiinta Premier Bank lamana oga sababta Gaarigiisa loogu xiray Qaraxa waxaysa ka mid tahay Qaraxayada micina darada ah ee Muqdisho loogu bartay in hadyo jeer ay ka dhacaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version