Wararka Soomaalida

Faafaahin dheeraad ah oo ka soo baxday Qaraxyadii Muqdisho

Caawa Magaalada Muqdisho deqiiqado ka dib Afurkii xiliga Soomaaliya ayaa waxaa labo qarax ka kala dhaceen Degmooyinka Wadajir iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho. Qaraxa hore ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabadda ee Degmada Waaberi ee Magaalada Nuqdisho waxaana la sheegay qaraxaas inuu ahaa Gaari Noah oo la dhigay inta udhaxaysa Beerta Nabadda iyo […]

Published

on

Caawa Magaalada Muqdisho deqiiqado ka dib Afurkii xiliga Soomaaliya ayaa waxaa labo qarax ka kala dhaceen Degmooyinka Wadajir iyo Waaberi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Beerta Nabadda ee Degmada Waaberi ee Magaalada Nuqdisho waxaana la sheegay qaraxaas inuu ahaa Gaari Noah oo la dhigay inta udhaxaysa Beerta Nabadda iyo Hotel Muna.

Waxaana la sheegay in qaraxaas wax Khasaaro nafeed ah gaysan dhimasho iyo dhaawac midna sida lagu sheegay war ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waaxaa qarax kale oo ka dhacay meel waxyar ujirta Iskuulka Jabuuti xaafada Buulaxuubay ee Degmada Wadajir waxaana lagu soo waramayaa in khasaaro uusan gaysan qaraxaas labaad ee ka dhacay Wadajir.

Qaraxaas labaad ayaa waxaa la hadal hayaa inuu ahaa gaari nooca yaryarka ah oo la dhigay goob ay degan yihiin Ciidanka Dowladda Soomaaliya balse waxba ka soo gaarin shacab iyo Ciidan toona sida Sarkaal ka mid ah Ciidamada amaanka uu nala wadaagay goordhaw.

Dhinaca kale waxaa arimaha qaraxayada ka hadashay Taliye ku xigeenka Ciidsnka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed waxayan sheegtay in qaraxii hore ee Waaberi loo soo qabtay labo ruux oo aad looga shakisan yahay inay yihiin kuwii watay Gaariga Noah ahaa.

“Abaaro 7pm habeenimo ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah ku qarxay meel barxad ah kuna taal dhabarka dambe ee iskaashatada gadiidka X/Weyne. Sidaanu xaqiijinay wax khasaaro naafeed ama dhaawac ma jiraan,waxaa isla goobta lagu qabtay 2 qof lagu tuhmaaya in falka ku lug leyihin”

Xaaladan ka soo cusboonaatay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmaysaa iyadoo Ciidamada ay ku dadaalayaan sugida amaanka Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version