Wararka Soomaalida
Faafaahin dheeraad ah oo laga helayo weerarkii ka dhacay Hotelka Gaalkacyo
Caawa fiidkii ayaa waxaa weerar qarax gaari loo adeegsaday lagu qaaday Hotel ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug sida wararkeenii horaba aad ku aragteen waxaana Hotelkaasi ku sugnaa kolkii weerarka lagu qaadayay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka sida aan wararka ku helnay.
Qaraxa ka dhacay Hotelka ayaa waxaa la sheegayaa inuu ahaa mid loo adeegsaday gaari nooca Cabdi-bile ah wuxuuna ka dhacay Hotelka hortiisa sida Wargayska Tusmotimes usheegay mid ka mid ah Saraakiisha ku sugan magaalada Gaalkacyo.
Gaariga Cabdi-bilaha ah ee lagu weeraray Hotelka ayaa lagu soo waramayaa in lagu dhuftay Albaabka laga galyo Hotelka,qaraxaas oo sababay dhimasho iyo Dhaawac soo gaaray dad ku sugnaa agagaarka Hotelka iyo ciidan.
Inta la xaqiijiyay geerida weerarkaas sababay ayaa gaaraya 7 qof oo iskuuga jira askar iyo dad ganacsiyo yar yar ku lahaa ilinka hore ee laga galo Hotelka sida warkan nagu soo gaaray.
Dhaawaca ka dhashay weerarkaas ayaa waxaa la sheegayaa inay gaarayaan 10 ruux oo iskuuuga jira askar iyo shacab oo xiligii weerarka uu dhacayay marayay agagaarka Hotelka iyo qaar ku sugnaa Hotelka gudihiisa sida wararka ay sheegayaan.
Saraakiishii ku sugneed Hotelka la weeraray ayaa ka badbaaday waxayna hadda ku sugan yihiin goob amaan ah sida uu u sheegay Wargayska Tusmotimes Sarkaal lagu magacaabo Gaashaanle Cabdifataax Dabagale oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.
Hotelkan caawa la weeraray ee ku yaalla dhinaca Koonfureed ee magaalada Gaalkacyo saraakiisha ku sugnayd ayaa waxay kala yihiin Jannaraal Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha ciidanka lugta ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Jannaraal Cabdicasiis Qooje oo ah Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka Xoogga dalka.
Saraakiishaas labada ah ee caawa ka badbaaday weerarkaas ayaa dhawaan ka soo laabtay nabadayntii ay soo kala dhax dhigeen Beelihii isku laayay Degmooyinka Towfiiq iyo Af-Barwaaqo ee gobolka Mudug xalayna ku hoyday Hotelka caawa lagu weeraray.