Wararka Soomaalida

Faafaahin ka soo baxaya dad daadad ku qaaday Muqdisho

Published

on

Ka dib markii galabta iyo caawaba Roobab xooggan ay ka da’een magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro naf iyo maalba leh ka dib markii daadad soo rogmay ay galeen xaafadaha iyo goobaha ganacaiga ee magaalada Muqdisho.

Roobabkan oo Muqdisho ka da’ayay in ku dhow 30 saacadood ayaa la isticmaali waayay laamiyada iyo xaafadahaba in la aado ka dib markii Roobabka da’ay awgeed daadad soo rogmadeen.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo dhalinyaro ah ayaa ku naf waayay iyadoo Mooto Bajaaj ay saarnaayeen daadkii ay rogeen sidaasna uu daadkii ku qaaday labadii dhalinyaro waxaana meel fog laga soo qaaday meydkooda.

Dhacdadan dhimashada daadadka labada qof ay ku dhinteen ayaa waxay ka dhacday Laamiyaraha dhabarka dambe kamara daarta Soobe kana yimaada dhanka Xaafada Buula Xuubey ee degmada Wadajir.

Dhinaca kale qoys degan guri ku yaala degmada Boondheere ayaa waxaa ku soo dumay gurigooda waxaana ka dhashay dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah qoyskii guriga soo dumay deganaa.

Gawaarida Dabdamiska dowlada hoose Xamar ayaa ku guuleystay badbaadinta laba ruux oo isku qoys ahaa oo uu kusoo dumay dhismaha guriga ay ku noolaayeen gurigaasoo ku yaala waaxda Yuusuf Alkowneen ee degmada Boondheere.

Waxaa goobjoog ku ahaa halka ay ka socotay howsha badbaadinta dadka danta yar ee uu ku soo dumay dhismaha guriga ay ku noolaayeen Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Trending

Exit mobile version