Wararka Soomaalida
Faafaahin ka soo baxday dil ka dhacay Isgoyska Banaadir
Isgayska Banaadir ee magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa lagu dilay mid ka mid ah dhalinyarada ku xamaasha Mooto Bajaajka ee sida weyn uqabsatay Magaalada Muqdisho ka dib markii ay dileen sida la xaqiijiyay Ciidan saarnaa gaari Qooqan ah.
Ninka Mooto Bajaaj laha ahaa ee la dilay ayaa waxaa lagu magacaabaa Xuseen Cali Bacdaal wuxuu dhowaan ka qalan jebiyay mid ka mid ah Iskuulada sare ee ku yaala magaalada Muqdisho sida ka muuqatay sawir dhowaan laga qaaday.
Ciidamadan dishay Xuseen Cali Bacdaal ayaa waxay marayeen oo Mootoolaha ku kulmeen Isgoyska Banaadir ka dibna waxaa la sheegay in shan xabadood ay ku dhufteen iyadoo wax muran ah dhaxmarin sida ay sheegeen goobjoogiyaashii xiligaas Isgoyska ku sugnaa.
Markii Mootoolaha xabadaha ku dhaceen oo dhulka ku sii dhacayay ayaa shacabka waxay xaqiijiyeen in Ciidamadii falkaas ka dambeeyay ee saarnaa gaariga Qooqanta ah ee Xuseen Cali Bacdaal dilay goobta iskiiga carareen.
Dadka shacabka ah ee goobjooga u ahaa dhacdadaasi ayaa waxay sheegeen in Ciidamadaas marxuumka si bareer ah xabadaha ugu dhufteen waxayna xaqiijiyeen in Ciidankaas ay ku labisanaayeen Tuutaha Cagaaran ee Miletariga Soomaaliya iyagoo saarnaa gaari Qooqan ah.
Ciidamadan dilay wadaha Mooto Bajaajka iyo gaariga ay saarnaayeen intuba iyo sababta ay udileen Mooto Bajaajlaha ayaa ilaa hadda waxay yihiin la garan.
Ma,ahan mid maqal iyo aragti ku cusub shacabka Muqdisho in wade Mooto Bajaaj si bareer ah ama si dadban loo dilo iyadoo intabadan dilalkaas ay gastaan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.