Wararka Soomaalida

Fanaan ka soo jeeda Gobolada Waqooyi oo la,amray in xabsiga la dhigo

Fanaanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Soomaaliland laguna magacaabo Faarax Murtiile ayaa amar lagu bixiyey in Xabsiga la dhigo haddii uu yimaado Deegaanada Maamulka Soomaaliland ka dib markii xalay uu ka qayb galay xafladii lagu caleema saarayey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ka dibna khudbad ay dhibsadeen Madaxda Soomaaliland uu ka […]

Published

on

Fanaanka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Maamulka Soomaaliland laguna magacaabo Faarax Murtiile ayaa amar lagu bixiyey in Xabsiga la dhigo haddii uu yimaado Deegaanada Maamulka Soomaaliland ka dib markii xalay uu ka qayb galay xafladii lagu caleema saarayey Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni ka dibna khudbad ay dhibsadeen Madaxda Soomaaliland uu ka jeediyey Xaflada.

Xeer ilaalinta Soomaaliland ayaa soo saaray Waaran lagu xiri karo Fanaanka Caanka ah ee Faarax Murtiile hadii uu yimaado Deegaanada Maamulkaasi.

waxaana xeer ilaalinta ay fasaxday oo ay soo saartay haddii Faarax Murtiile uu ka soo dego Garoomada Diyaaradaha Deegaanadeeda in Xabsiga la dhigo.

Hadalka lagu Heysto Abwaan ahna Fanaan faarax Murtiile ayaa ah inuu Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku yiri waa inaad tagtaa Soomaaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version