Wararka Soomaalida

Farmaajo iyo Uhuru oo qadka Teleefonka kuwada hadlay

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Teleefon udiray Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ka dib weerarkii dhimashada iyo dhaawaca lahaa ee ka dhacay Magaalada Nairobi. Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta  uga horeynba uga tacsiyadeeyey shacabka iyo Madaxda Kenya weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dusit ee Nairobi dadkii Kenyanka […]

Published

on

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta Teleefon udiray Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta ka dib weerarkii dhimashada iyo dhaawaca lahaa ee ka dhacay Magaalada Nairobi.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyatta  uga horeynba uga tacsiyadeeyey shacabka iyo Madaxda Kenya weerarkii Al shabaab ay ku qaadeen Hotelka Dusit ee Nairobi dadkii Kenyanka ahaa ee halkaas ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba.

Madaxweynaha Dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa Uhuru u sheegay haddii ay yihiin Madaxda Soomaaliya si aad ay uga xunyihiin wixii ka dhacay Talaadadii la soo dhaafay Magaalada Nairobi ayna la qaybsanayaan tiiraanyada iyo murugada shacabka iyo Madaxda Kenya.

Farmaajo ayaa uhuru usheegay in ay garab ku siinayaan iskaashiga lagula dagaalamayo Kooxda Manaxayaasha ah ee Al shabaab iyo in labada dowladoodba ay dar-dar galiyaan sidii Al shabaab looga tirtiri lahaa guud ahaan Soomaaliya.

Wada-hadalkan qadka Teleefonka ah ee dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Uhuru ayaa wuxuu ku soo beegmayaa kagadaal markii Talaadadii ina dhaaftay Kooxda Al shabaab weerar ismiidaamin ah iyo mid toos,ahba ay ku qaadeen Hotelka Dusit ee Magaalada Nairobi.

Qaraxaas iyo qabsashadii Hotelka ee Dusit Kooxda Al shabaab ayaa wuxuu keenay Khasaaro naf iyo maalbaleh dadka ku dhintay weerarkaas ayaa marba marka ka dambeysa waxaa sii kordhaya tirada dhimashada iyo midda dhaawac ee ka dhashay weerarkaas.

Waxaa intaas dheer oo hadda la ogaaday in dadbadan oo lagu ogaa inay joogeen Hotelka nolol iyo geeri lala yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version