Wararka Soomaalida
Gabar ka mid ahayd shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka oo ku geeriyootay Qaraxii Muqdisho
Qaraxii maanta ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ku dhowaad 20 qof sida aan ka soo xiganay xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho. Dadka ku dhintay Qaraxaas ayaa waxay ubadan yihiin shacabka laakiin waxaa ku jira shaqaale ka mid ahaa wasaaradaha dowladda iyo […]
Qaraxii maanta ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen ku dhowaad 20 qof sida aan ka soo xiganay xarumaha Caafimaadka ee ku yaala Magaalada Muqdisho.
Dadka ku dhintay Qaraxaas ayaa waxay ubadan yihiin shacabka laakiin waxaa ku jira shaqaale ka mid ahaa wasaaradaha dowladda iyo Ciidan ka mid ahaa Militariga Soomaaliya.
Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ka hadlay qaraxaas ayaa wuxuu sheegay in qaraxa Daljirka Dahsoon lala beegsaday qaar ka mid ah qoysaska dantayar ee Soomaaliyeed khasaaraha ka soo gaarayna aad u kooban yahay sida uu saxaafadda u sheegay Wasiir Maareeye.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Sareeye Guuto Sakiye Xuseen Axmed oo dhankeeda ka hadashay qaraxaas ayaa sheegtay in qaraxa ay ku djinteen 5 oo rayid ah iyo dhaawaca 7 ruux oo shacabka ah sida dhinaceeda warbaahinta usheegtay.
Inta lahubo ee ku dhintay qaraxa barqadii maanta ka dhacay Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere dhinaca Dowladda federaalka ayaa waxay gaarayaan ku dhowaad 12 qof oo iskuuga jira shaqaale iyo Ciidan waxaana ka mid ah dadka la xaqiijiyay inay ku dhinteen qaraxaas Koronel Faadumo Cali Raage oo loo yaqaanay Faay Cali iyo Saygeeda oo ka mid ahaa Ciidanka Xoogga dalka Bashiir Geesey.
Sidoo kale waxaa ka mid ah ahaa dadka ku dhintay qaraxaas Maryan Jirde oo ka mid ahayd shaqaalaha wasaaradda Dastuurka Soomaaliya.
Maryan Jirde sidoo kale waxay ka mid ahayd dhalinyaradii dalka wax ku bartay waxayna ka Aflaxday Jaamacadda Soomaaliya Kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta.
Geerida Maryan Jirde waxaa ka Tacsiyadeeyey madaxda wasaaradda Dastuurka ee Soomaaliya.
“INNAA LILAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN
Wasiirka Arrimaha Dastuurka, Wasiir Ku-Xigeenka, Agaasimaha Guud, La-taliyayaasha iyo dhamaan howlwadeenada Wasaaradda Arrimaha Dastuurka waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qooyskii, ehelkii iyo asxaabtii ay ka baxday Marxuum Maryan Jirde oo maanta ku shahiiday qaraxii ka dhacay Muqdisho.
Marxuumada waxay kamid ahayd howlwadeenada Wasaaradda, waxay ahayd qof akhlaaq iyo dabeecad wanaagsan oo si daacadnimo iyo kartiba leh ugu shaqeeyneysay dalkeeda iyo dadkeeda.
Waxaan Allaah ka baryaynaa inuu Janatul Firdowz ku abaal mariyo, ehelkeedii iyo Wasaaradana uu Allaah samir ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN”
Qaraxaas ka dhacay Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa xili Ciidamada amaanka ee Muqdisho ay adkeeyeen sugidda amaanka Caasimadda sidoo kale ay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho.