Wararka Soomaalida

Ganacsatada Qaadka Soomaaliya oo ku dhawaaqay in ay hakiyeen Qaadkii Kenya

Ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya ee Qaadka Miirowga Kala imaanjiray dalka Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hakiyeen soo dhoofinta Qaadka ee Kenya ka dib Khilaafka labada dowladood soo kala dhexgalay awgeed. Ganacsatada Qaadka ka ganacsatada ee Soomaaliya ayaa sheegay in awalba iyagoo Dollar farabadan ku bixinjiray Caleenta Qaadka Miirowga Kenya ay dhibaato ku ahayd […]

Published

on

Ganacsatada Qaadka ee Soomaaliya ee Qaadka Miirowga Kala imaanjiray dalka Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hakiyeen soo dhoofinta Qaadka ee Kenya ka dib Khilaafka labada dowladood soo kala dhexgalay awgeed.

Ganacsatada Qaadka ka ganacsatada ee Soomaaliya ayaa sheegay in awalba iyagoo Dollar farabadan ku bixinjiray Caleenta Qaadka Miirowga Kenya ay dhibaato ku ahayd haddana ay soo baxday in Ganacsatada Qaadka Kenya ay ku dhawaaqeen in Soomaaliya ay ka joojinayaan Qaadka.

Ganacsatada Soomaaliya oo maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in la yaab ku noqotay arrinta ka soo yeertay Ganacsatada Qaadka Kenya ka dibna ay go,aansadeen in ay joojiyaan Ganacsigii Qaadka Miirowga ee Kenya ugu imaanjiray.

Ganacsatadan Soomaalida ah ee Qaadka ayaa sheegay in Ganacsigii Qaadka Miirowga Kenya ay u wareejiyeen dhinaca Itoobiya oo hadda wixii ka dambeeya Qaadka kala imaanayaa Itoobiya Qaadka loo yaqaano Hareeriga.

Ku dhawaaqista ee joojinta Qaadka Kenya ee Ganacsatada Qaadka Soomaaliya ayaa wuxuu imaanayaa kagadaal markii shalay iyo maantaba labo Diyaaradood oo Qaad sida kana yimid dalka Itoobiya ay ka soo degeen Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Mjqdisho.

Iyadoo sidaas ay tahay ayaa haddana waxaa shalay iyo maantaba Magaalada Muqdisho lagu iibinayey Qaad ka yimid Kenya in kastoo aad ugu yaraa Qaadkii farahabadnaa ee sida xowliga ah loogu iibinjiray Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version