Wararka Soomaalida

Gantaalo maanta lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde oo khasaaro sababay

Galabta ayaa waxaa Kooxo hubaysan Gataalo ku weerareen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdusho xili Garoonka ay ka socotay shaqo xowli ah oo ku saabsan Duulimaadyada Garoonka. Gantaaladaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen Dhismiyaasha Hay’adaha UN iyo AU ee degan Gudaha Garoonka Aadan Cadde. Madaafiicdaas ayaa lagu soo waramayaa […]

Published

on

Galabta ayaa waxaa Kooxo hubaysan Gataalo ku weerareen Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdusho xili Garoonka ay ka socotay shaqo xowli ah oo ku saabsan Duulimaadyada Garoonka.

Gantaaladaas ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhaceen Dhismiyaasha Hay’adaha UN iyo AU ee degan Gudaha Garoonka Aadan Cadde.

Madaafiicdaas ayaa lagu soo waramayaa in ay gaysteen dhaawacyo qaar ka mid ah shaqaalaha Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka aan ka helnay qaar ka mid ah shaqaalaha Garoonka Aadan Cadde ayaa tibaaxaya in muddo hal saac ah shaqada Garoonka hakad ku timid,iyadoo markii dambe dib loo furay shaqada Garoonka.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maanta Sanadka cusub ee 2019 kow ahaa waxaana weerarkan madaafiicda ah sheegtay Kooxda xagjirka ah ee Maleeshiyada Al shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version