Wararka Soomaalida

Gavin Wiliamson iyo Wafdi uu hogaaminayo oo shir la qaatay Madaxweynaha Soomaaliland Daawo Sawirada

Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada Waqooyi ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa gaaray Wasiirka Gaashandhigga Boqortooyada Britain Gavin Williamson iyo Wafdi uu hor kacayo. Wafdigan ka socda Wasaaradda Gaashandhiga UK ee uu hogaaminayo Wasiirka Gaashandhiga Britain Mundane Gavin Williamson iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey oo ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka gooni ugoosadka ah […]

Published

on

Magaalada Hargaysa ee xarunta Gobolada Waqooyi ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa gaaray Wasiirka Gaashandhigga Boqortooyada Britain Gavin Williamson iyo Wafdi uu hor kacayo.

Wafdigan ka socda Wasaaradda Gaashandhiga UK ee uu hogaaminayo Wasiirka Gaashandhiga Britain Mundane Gavin Williamson iyo Wafdigiisa ayaa waxaa Xafiiskiisa ku soo dhaweeyey oo ku qaabilay Madaxweynaha Maamulka gooni ugoosadka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliland labaxay Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Mas’uuliyiintan ayaa Madaxtooyada Soomaaliland ku qaatay Shir dheer oo qaatay Saacado badan wax yaabaha shirkooda ay xoogga ku saareen waxaa ka mid ahaa xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee Britain iyo Soomaaliland.

Waxaa kaloo Shirka lagaga Hadley ka mid ahaa iskaashiga arrimaha amaanka sidii Dowladda UK uga caawin lahayd Soomaaliland xoojinta Cilaaqaadka Britain iyo Soomaaliland iyo arrimaha dhaqaalaha qaabkii Soomaaliland saro loogu qaadi lahaa.

Dhamaan qodobadii Shirka looga Hadley ayaa ku soo idlaaday Isfahan iyo dar-dar-galinta qodobadaas ee ay ka wada hadleen Wasiirka Difaaca Boqortooyada Britain Gavin Williamson iyo Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa kulankan Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo Wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain.

Wasiirka Gaashandhiga Britain Gavin Williamson booqashadiisa Magaalada Hargaysa ayaa maanta u ahayd tii ugu horaysay ee uu ku tago Magaaladaas asagoo ah Mas’uul ka socda Dowladda Britain iyo asagoon wax xil ah ka haynin Dowladda Britain.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version