Wararka Soomaalida

Geed facweyn oo laga duldhisay Guri dhowr dabaq ah

Published

on

Qoys udhashay dalka Hindiya ayaa la yimid farsamo cajiib ah ka dib markii Geed gu,yaal sano jira oo ku yaalay Gurigooda dhaxdiisa waxay ka fikireen inay iska jaraan si cariiriga uu ukeenay baaxada Guriga nafis ugu helaan.

Qoyskan ayaa waxay ka shireen sidii ay ka yeeli lahaayeen Geedkan duqa ah maadaama sanado badan ku dhaxyaalay Gurigooda waxay is weedaarsadeen rayi kala duwan rayada la is dhaafsaday waxaa ka mid ahaa in salka hoose laga jaro oo gabi ahaamba meesha laga saaro iyo in Geedan sidiisa loo daayo,waxay ugu dambayn isku raaceen in Geedkan faraha laga qaado oo aan lajarin.

Qoyskaas ayaa go’aansaday inay ballaariyaan dhismaha Gurigooda waxayna dhowr biyaano oo dabaq ah ka duldhiseen Geedkii duqa ahaa iyadoo waxba laga jarin Geedkaas.

Maanta gurigooda waa kan ugu il-qabad wanaagsan Jabalpur waxaana Geedkaas ka duldhisan dabaq u dhisan laba isasaar iyadoo Geedkuna ka dhex baxayo, Caleemihiisuna ay kasoo lal-madaan daaqadaha iyo irida Gurigooda.

Qoyskan ayaa waxaa lagu magacaabaa Kesharwani waxayna ku nool yihiin gobolka Jabalpur ee dalka Hindiya waxayna sheekadan ama farsamadan ka shirayeen oo soo bilaabatay sannadkii 1994 iyagoo hadda ku nool Guriga ugu quruxda badan Gobolka Jabalpur.

Yogesh Kesharwani oo waalidkiisu ay dhiseen 25 sano kahor Gurigan Geedka dulsaaran ayaa sheegay in cimriga Geedkan da,diisa ay gaartay 150 sano walina uu yahay sida Geed ugub ah.

In kastoo qoyskan muddo badan ay ku qaadatay sidii ay ula fal-geli lahaayeen miraha iyo jabaqda joogtada ah ee Geedkan uu sameeyo ayaa haddana ugu dambayntii waxay la qabsadeen howlahaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version