Wararka Soomaalida
Golaha Baarlamanka oo doonaya in muddo kororsi ay samaystaan
Iyadoo bilooyinkii dambe si aad ah loo hadal hayay in hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya ay doonayaan inay samaystaan muddo kororsi ayaa hadda waxaa soo baxaya warar sheegaya in arintaas ay ku howlan yihiin hay’adaha dowladda Soomaaliya.
Golaha Baarlamanka federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah hay’adaha doonaya in muddo xil haynta ay kororsadaan.
Xildhibaan Mahad Slaad oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya madaxdooda ay doonayaan muddo kororsi sida bartiisa Facebook uu ku soo qoray.
“Sadex sano ayaa ka soo wareegtay maalintii la dhaariyay Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya. Hal sano ayaa ka hartay mudo xileedkeena. Asbuucaan ayaana loo madalsan yahay in laga doodo sharcigii doorasho dalka looga qaban lahaa.
Qodobka 53-aad ee sharcigaan wuxuu xeerinayaa in MUDO KORDHIN loo sameeyo goleyaasha Barlamaanka. Waxa uuna si cad uga hor imaanayaa qodobbada 60-aad iyo 91-aad dastuurka ee xeerinaya in muddada xilhaynta goleyaasha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha JFS mid walba ku madalsan tahay afar sano.
Sadex sano kadib, halkii nalaga sugayay in dalka aan gaarsiino doorasho qof iyo cod ah in maanta nalugu mashquuliyo DOORASHO LAMA QABAN KARO EE MUDO KORORSI AAN SAMEYSANO waa nasiib daro aad u weyn. Umana maleynayo masiibo ka wayn oo dalkaan lugaha aan u gelin lahayn in ay jirto”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Haddii ay dhab noqoto in hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya muddo kororsi samaytaan ayaa waxaa suuragal ah in arintaasi buuq uu ka dhasho kana imaan kara dhinaca mucaaradka.