Wararka Soomaalida
Golaha Baarlamanka oo wajahaya xaalad adag
Golaha baarlamanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya labadiisa aqal ayaa soo footsaartay xaalad adag oo dhanka amniga ku saabsan ka dib markii labilaabay in lagala noqdo Ciidamadii ilaalada u,ahaa mudane walba oo ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya sida ay usheegeen Warbaahinta qaar ka mid ah Xildhibaanadii arintan lagu sameeyay.
Professor Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senator Nuuro Faarax oo ka tirsan Golaha aqalka sare oo lahadlay Wargayska Tusmotimes ayaa sheegay in arintan xaqiiq tahay oo labilaabay dib ucelinta Ciidankii ilaalada u,ahaa Xildhibaanada Soomaaliya soona bilaabatya todobaadkii hore iyagoo hadalkooda intaas ku daray inay ka baqdin qabaan in la beegsado Xildhibaanada mar haddii Ciidamadii amnigooda uxilsaarnaa lagala noqday.
Xildhibaan walba oo ka tirsan Golaha baarlamanka labadiisa aqal ayaa waxaa ilaalo amni u,ah ugu yaraan shan askari oo ka diiwaan gashan Taliska Ciidanka Miletariga Soomaaliya iyadoo muddo sanado ah arintan soo jirtay.
Mudaniyaashan ka tirsan Golaha baarlamanka Soomaaliya ayaa arintan dib ugula noqoshada Ciidamadii amniga Xildhibaanada sugayay ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Taliyaha Ciidanka Miletariga Soomaaliya Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage.
Eedan loo jeediyay Sareeye Gaas Odawaa Yuusuf Raage Taliyaha Ciidanka Miletariga Soomaaliya ayaan wali ka jawaab ka bixinin hasayeeshee waxaa socota dib ucelinta Ciidankaas waxaana warar uu helayo Wargayska Tusmotimes uu sheegayaa in Xildhibaanada wixii amnigooda ah ay la wareegi doonaan Ciidanka Booliska Soomaaliya.