Wararka Soomaalida
Golaha wasiirada DFS oo meel mariyay dhowr hindise sharciyeed
Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxay ku meel mariyeen hindise-sharciyeedka difaaca qaranka Soomaaliyeed oo golaha usoo gudbisay wasaaradda difaaca dalka Qaranka Soomaaliya.
Shirka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay xeerka cafiska dadka dowladda isku soo dhiiba sida Al shaabaab oo kale sidoo kale xeerka hey’adaha aan dowliga aheyn iyo siyaasadda shaqo abuurka qaranka oo ay soo diyaariyeen wasaaradaha qorsheynta iyo tan shaqada Qaranka.
Dhinaca kale Golahabwasiirada ayaa soo dhoweeyay heshiiska dowladda Federaalka iyo Ahlusunna ay ka gaareen dhismaha Galmudug loo dhanyahay shitkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre wuxuu bogaadiyay tanaasulka ay sameeyeen dhinacyada Galmudug.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa amray guddiga gurmadka Fatahaadaha in ay wax ka qabtaan xaaladda Fataahada iyo daadadka ka taagan degmooyinka Afgooye iyo Caluula ee ka kala tirsan Shabeelaha hoose iyo Bari.
Shirka intii uu socday ayaa taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Jannaraal Cabdi Xasan Xijaar wuxuu Golaha Wasiirrada warbixin faafaahsan ka siiyay weerarkii dhawaan lagu qaaday hotelka SYL waxaana Golaha wasiirradu ay dhankooda bogaadiyeen dadaalka laamaha amniga iyo tallaabooyinkii geesinimada lahaa ee ciidamdu ku badbaadiyeen dadka shacabka ah.