Wararka Soomaalida

Golaha wasiirada oo dhowr qodob meel Mariyay

Published

on

Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku meel mariyeen siyaasadda dalxiiska dalka oo ay xukuumadda usoo gudbisay wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

Ansixinta siyaasadda kadib ayaa Shirka golaha oo uu Shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay horumarka laga sameeyay sugidda amniga, dhammeystika dastuurka iyo barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya.

Wasaaradda aminaga oo golaha u soo bandhigtay warbixin amni oo faahfaahsan ayaa caddeysay in tallaabooyin isku xiran oo sanadkan la qaaday ay horseedeen natiijooyin wanaagsan isla markaana in ka badan kala bar hoos u dhaceen qaraxyadii Argagixisada ka geysan jireen guud ahaan Soomaaliya iyo dhibaatooyikii ay ummadda Soomaaliyeed u geysan jireen markii loo barbar dhigo sanadkii 2018.

Guulahan ayaa wasaarradda amniga waxay ku sheegtay inay ku yimaadeen qorshayaashii tubta amniga iyo caddaaladda oo sidii loogu talagay u hirgalay iyo wada shaqeynta dhammaan hay’adaha amniga iyada hay’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka (NISA) ay xogo sirdoon oo ka badan intii sanadihii hore keeni jireen kana faahfaahsan xogihii hore ay helijireen haatana keenay xogo mihiim ah isla markaana la fal galay ciidanka Xoogga qeebahooda kala duwan ee ka howlgala magaalooyinka iyo dhulka howdka ah ka dibma kula dagaallamay argagixisada waana midda sahashay inay guul ka soo hoyaan dhamaan Ciidamada sida lagu sheegay warbixinta Wasaaradda amniga Qaranka.

Wasaaradda arrimaha Dastuurka XFS oo golaha la wadaagtay qorshaha qabyo tirka dastuurka ayaa soo bandhigtay qeybaha uga harsan soo dhameystirka dastuurka iyo caqabadaha ka hor gudban ayaa waxay wasaaradda rajo wanaagsan ka muujisay soo gabagabeynta shaqada qabyo-tirka dastuurka ah.

Trending

Exit mobile version