Wararka Soomaalida

Golaha wasiirada Puntland oo loo qabtay waqti kooban+Sawiro

Shir deg deg ah oo maanta Magaalada Garowe ay ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada guud ee deegaanada Maamulkaasi uu ka aramiyo sida amniga,Caafimaadka iyo waxbarashada shacabka ku nool Gobolada Maamulka Puntland sida xaaladooda ay […]

Published

on

Shir deg deg ah oo maanta Magaalada Garowe ay ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Puntland oo uu shir Gudoominayay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash) ayaa waxaa diirada lagu saaray xaalada guud ee deegaanada Maamulkaasi uu ka aramiyo sida amniga,Caafimaadka iyo waxbarashada shacabka ku nool Gobolada Maamulka Puntland sida xaaladooda ay tahay.

Dhamaan Golaha wasiirada ayaa waxaa shirka looga dhagaystay warbixino ku aadan wasaarad walba wax qabadkeeda iyadoo ay ka mid ahaayeen warbixinada Roobabkii mahiigaanka ahaa ee ka da,ay deegaanada Maamulka Puntland ee saamaynta ku reebay laamiyada waaweyn ee magaalooyinka la,iskiiga kala goosho.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash ayaa Golaha warbixin ka siiyay booqasho uu dhawaan isaga iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirada ay ku tageen deegaanka Af urur isagoo usharaxay baahiyaha bulshada ee ay ku soo arkeen deegaankaas.

Intaas ka dib Axmed Karaash ayaa Golaha wasiirada sida ay u dhanyihiinba uqabtay 48 saacadood gudahooda inay ka jawaabaan baahiyaha Bulshada ku nool deegaanada Maamulka Puntland uu ka aramiyo sida laamiyadii Roobabka burburiyeen iyo xaalada adag ee ay wajahayaan shacabka Af urur ku nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version