Wararka Soomaalida
Golaha wasiirada Puntland oo maanta la dhaariyey+Sawiro
Maanta oo ay ku began tahay bisha Feebaraayo 12-2019 ayaa Golaha Maamulka Puntland ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe. Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Dr Siciid Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Guddoomiyaha Maxkamadda […]
Maanta oo ay ku began tahay bisha Feebaraayo 12-2019 ayaa Golaha Maamulka Puntland ee dhowaan uu soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Dr Siciid Cabdulaahi Deni lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe.
Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Dr Siciid Deni iyo Axmed Cilmi Cismaan Karaash,Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir.
Dhaadhinta Golaha wasiirada ayaa waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah Golaha Wasiirada oo dalka dibaddiisa ku maqan halka qaarna cudurdaar shaqo ay sheegteen ayaan joogin dhaarta.
Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda cusub ee Puntland, waxayna kula dardaarmeen Wasiirada cusub in ay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.
Sidoo kale waxay u sheegeen golaha Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dastuuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, isla’ markaana waxay ku adkeeyeen in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda, waxay Alle uga baryeen Xukuumadda cusub inuu illaahay ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada,ah oo wanaagsan uga soo baxa mas,uuliyadda loo igmaday.