Wararka Soomaalida

Golaha wasiirada Soomaaliya oo meelmariyay heshiis cusub+Sawiro

Kulankii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayay maanta Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa looga dooday heshiis cusub oo dowladda Soomaaliya ay lagashay Shirkadda gacanta ku haysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee FAVORI. Heshiiskan ay ka doodeen maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa Golaha […]

Published

on

Kulankii khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya oo uu shir gudoominayay maanta Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa waxaa looga dooday heshiis cusub oo dowladda Soomaaliya ay lagashay Shirkadda gacanta ku haysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee FAVORI.

Heshiiskan ay ka doodeen maanta Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa Golaha hor keenay Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar.

Dood dheer dabadeed ayaa golaha Wasiirada waxay ku meelmariyeen Cod Aqlabiyad leh iyagoo si buuxda u,ansixiyay heshiiska Shirkadda FAVORI ay lagashay dowladda Soomaaliya in dhankooda ansax uu ka yahay.

Shirkan maanta ay yeesheen Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu ansixiyay hindise sharciyeedka Nootaayada dadwaynaha iyo Hindise Sharciyeedka qareennada Soomaaliya oo ay usoo gudbisay wasaaradda caddaaladda Soomaaliya.

Intaas ka dib Golaha ayaa guda galay ka hadlida siyaasadda Maamulka Galmudug iyo isku soo dumidda uu halkaas ka wado Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Golaha wasiirrada ayaa hamblayo, bogaadin iyo taageero umuujiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo howl wadeennada la shaqeynaya ee dadaalada dib uheshiisiinta iyo soo dhisida Maamul loo dhan yahay ee ay ka wadaan deegaannada Maamulka Galmudug.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version