Wararka Soomaalida

Gudaha Hotel SYL oo lagu dhax dagaalamayo

Published

on

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii caawa ka dhacay Muqdisho gaar ahaan dhismaha Hotelka weyn ee SYL ee ka soo hor jeeda ilinka hore ee laga galo Madaxtooyada Soomaaliya waxaana wararka rasmiga ah ee aan heleyno ay sheegayaan in koox hubaysan oo ka kooban shan gudaha ay ugaleen Hotelka SYL.

Maleeshiyada ayaa markii hore Bam baanooyin ku weeraray dhismaha hotelka ka dibna waxay gudaha ugaleen Hotelka oo xiligaasi ahaa mid aad u mashquul badnaa.

Xiligii weerarka uu ka dhacayay Hotelka SYL ayaa waxaa hoolka Hotelka ka socotay munaasabad dad badan ku sugnaayeen sida aan wararka ku helnay.

Sarkaal naga codasaday in magaciisa aan xigan ayaa wuxuu inoo sheegay in shantii nin ee weerartay SYL Hotel qaarna la dilay qaarna nolosha lagu qabtay laakiin labo ka mid ah maleeshiyadaas gudaha Hoteelka ay ka dagaalamayaan welina xabada ay socoto.

Sarkaalkaas ayaa intaas hadalkiisa ku daray in shacabkii ku sugnaa Hotelka intoodii ugu badneed ay ka carareen Hotelka iyagoo ka baxay qeybta dambe ee Hotelka.

Wixii soo kordha waa inoo hadhaw insha’allah

Trending

Exit mobile version