Wararka Soomaalida

Gudiga Doorashada Puntland oo ku dhawaaqay in ay dhamaatay Diiwaan Galinta Musharaxiinta

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa galabta shaaciyey in ay idlaatay waqtigii Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland. Musharaxiinta Gudigan ay gudoonsiiyeen Shahaadada Tartanka Madaxweynaha ee la Diiwaan Galiyey ka dib markii ay buuxiyeen dhamaan Shuruudaha Tartanka ayaa waxay gaarayaan 21 Musharax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha […]

Published

on

Gudiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa galabta shaaciyey in ay idlaatay waqtigii Diiwaan galinta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Musharaxiinta Gudigan ay gudoonsiiyeen Shahaadada Tartanka Madaxweynaha ee la Diiwaan Galiyey ka dib markii ay buuxiyeen dhamaan Shuruudaha Tartanka ayaa waxay gaarayaan 21 Musharax oo uu ka mid yahay Madaxweynaha muddo Xil hayntiisa dhamaatay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyadoo 9 ka mid ah Musharaxiintaas ay ku dhawaaqeen in ay ka tanaasuleen Musharaxnimada Madaxweynaha Maamulka Puntland iyagoo horay Musharaxiinta ku dhawaaqay in ay yihiin Musharaxiin tiradooda ay gaaraysay 30 Musharax.

Tirada Madaxweyne ku xigeenka utaagan ee dhankooda la gudoonsiiyey Shahaadada ka dib markii ay buuxiyeen dhamaan Shuruudaha ayaa gaaraya 11 Musharax oo uu ka mid yahay Madaxweyne ku xigeenkii hadda ugu dambeeyey Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey.

Hadda wixii ka dambeeya waxaa loo diyaar garoobayaa 8-da January oo Garowe lagu dooran Doona Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Shanta sano ee soo socota,waxaa la dhaariyey dhamaan Musharaxiinta maanta la Diiwaan galiyey.

Hoos ka Akhriso Magacyada Musharaxiinta la Diiwaan Galiyey.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version